Xaaladda deggaannada ay weli kusii harsan yihiin ciidamada Mali ayaa cakiran ka dib markii weeraro xooggan ay ka dhaceen magaalooyin waaweyn oo ay ka mid tahay caasimadda Bamako, kuwaas oo ay fuliyeen Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin oo isbahaysi ay leeyihiin jabhadda Azawad.
Wargeyska Ash-sharqul Awsad ayaa sheegay in ay jiraan su’aalo badan oo ku saabsan halka uu ku dambeeyey Madaxweyne Assimi Goïta (Asiimi Guweyta). Inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu ku sugan yahay meel ammaan ah, haddana waxaa jira warar kale oo tibaaxaya in la waayay xiriirkiisa.
Goïta oo madaxweyne ka ahaa Mali tan iyo 2020-kii, ayaa weerarradan cag-marinta ah ku waayay wasiirkiisii difaaca oo ahaa gacantiisii midig, iyadoo gebi ahaanba la waayay madaxii sirdoonka, waxaana jira sida uu wargeysku tebiyey, warar aan la xaqiijin oo sheegaya in isna lagu dilay weeraradaasi, taasoo la micno ah in golaha milatariga uu la kulmay dharbaaxo xanuun badan oo lama-filaan ah.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay wargeyska Ash-sharqul Awsat, in Goïta uusan waligiis degganaan qasriga madaxtooyada tan iyo markii uu xukunka qabtay shan sano ka hor, balse uu doorbiday inuu dego xerada “Kati” oo ah meel aad loo ilaaliyo oo difaac adag leh, taasoo muddo tobanaan sano ahayd xarunta lagu gaaro go’aannada milatariga, waxaana halkaas ka soo bilowday dhammaan afgambiyadii ka dhacay waddanka Mali.
Ilo-wareedyadan ayaa wargeyska u xaqiijiyay in Goïta uu ku sugnaa gurigiisa xerada Kati, markii mujaahidiintu ay sabtidii kula jarmaadeen weerarka culus, kaasoo ay fuliyeen boqollaal ka tirsan dagaalyahannada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ee xiriirka la leh urur-weynaha mujaahidiinta Al-Qaacida.
Ilo-wareedyadu waxa kale oo ay u sheegeen wargeyska, in Goïta uu ka baxay xerada weerarka ka dib, isagoo aysan waxyeello soo gaarin, waxaanu isaga kala gooshayay gabbaadyo kala duwan intii weerarku socday maalintii Sabtida oo dhan.
Sida uu wargeysku ka sanqariyey, tan iyo bilowgii weerarada, Janaraal Goïta lama arag, sidoo kale ma uusan jeedin wax hadal ama khudbad ah. Wakaaladda Wararka Faransiiska (AFP) ayaa soo xigatay ilo amni oo Mali ah, kuwaas oo sheegay in madaxweynaha lala baxsaday, Sabtidiina laga qaaday magaalada Kati, haatanna uu ku sugan yahay meel ammaan ah.
Kaaliyeyaasha ugu dhow Madaxweyne Assimi Goïta ayaa xaqiijiyay inay ku guuldaraysteen isku dayo badan oo ay ku doonayeen inay xiriir kula sameeyaan madaxweynaha, taas oo muujinaysa inaan la ogeyn halka uu ku dambeeyey iyo mustaqbalkiisa hoggaamineed intaba, sida uu bartiisa xiriirka bulshadda ee X, uu ku sheegay Wariye Khaliil Walad Ajdood, oo ku takhasusay arrimaha Afrika.
Wariyuhu waxa kale oo uu carabaabay in Madaxweyne Goïta uu u baxsaday saldhig lagu magacaabo Samanko oo u dhow caasimadda Bamako, isagoo intaa ku daray, in maalintii Sabtida oo dhan uu ku jiray socod uu goobo kala duwan isaga kala gudbayay, waxaana haatan amnigiisa gaarka ah gacanta ku haysa ayuu yiri, shirkad amni oo Turki ah.
Waxa kale oo wariyuhu ka dhawaajiyey in madaxweyne Goïta uu hadda gorgortan ugu jiro, sidii isaga iyo qoyskiisuba ay u heli lahaayeen waddo ammaan ah oo ay ku baxsadaan, isagoo carrabka ku dhuftay in kalsoonidii madaxweynuhu ku qabay Ruushka ay dhimatay, ka dib heshiiskii ciidamada Ruushku ay la galeen jabhadda xoraynta Azawad isla markaana ay kaga baxeen magaalada Kidal, taasina waa sababta uu uga fogaaday ayuu yiri, inuu magan-galo saldhig ciidamada Ruushku ay ku xooggan yihiin oo ku yaalla garoonka milatariga.