Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta jamaacada Nusatul Islaam Wal-muslimiin, ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Timbuktu ku khaarajiyay sarkaal sare oo ka tirsan murtadiinta Maali.
Bayaan kasoo baxay mujaahidiinta jamaacada, ayaa lagu sheegay in dabagal iyo xuuraan dheer oo lagu sameeyay sarkaalkan ay ugu dambayn ciidamada mujaahidiintu u suuragashay inay dhegta dhiigga u daraan isaga iyo waardiyihiisa gaarka ah.
Howlgalka lagu dilay sarkaalkan oo darajadiisu ahayd Kabtan, ayaa si gaar ah uga dhacay magaalada Gondam ee gobolka Timbuktu, waxayna mujaahidiintu faafiyeen sawirka sarkaalka dhagta dhiigga loo daray.
Weerarka gaarka ah ayaa dhacay isniintii shalay, waana mid ka mid ah howlgallada gaarka ah ee ay ciidamada mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ku ugaarsadaan saraakiisha hoggaanka u haysa ciidanka dowladaha dabadhilifyada ah ee ka jira galbeedka Afrika.