Kadib seddax maalmood oo wadahadallo aan loo kala kicin ay ka socdeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayay hoggaanka kooxda Riddada iyo madaxda kooxaha mucaaradka ku guuldarraysteen in ay gaaraan heshiis.
Waxaa fashil kusoo idlaaday dhammaan wadahadalladii ay garwadeenka ahaayeen dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee lagu doonayay in xal loogu helo khilaafka ragaadiyay murtadiinta dhaxdooda.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in shirkii Xalane uu burburay gelinkii dambe ee shalay kadib markii uu Xasan Gurguurte gaashaanka udaruuray dhammaan damacyada mucaaradka oo ahaa in waxba kama jiraan laga dhigo waxa loogu yeero doorasho qof iyo cod ah iyo in wixii ka dambeeya 15 May 2026 loo aqoonsado xaalad gala guur ah maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii madaxda kooxda.
Kooxda Riddada ayaa ku eedaysay mucaaradka in ay mas’uul ka yihiin fashilka dhammaan wadahadalladii socday waxayna ku adkeysatay in ay sii socan doonaan arrimaha doorashooyinka iyo waxka bedelka dastuur gaaleedka.
Sidoo kale mucaaradka ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh in uu diiday wax walba oo xal looga gaari karay khilaafka, mas’uuliyiinta ugu sarraysa waxa loogu yeero golaha Mustaqbalka oo ay hogagaminayaan Saciid Deni iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa agagaarka Xalane kulamo kula leh siyaaasiyiin iyo safiirro reergalbeed ah.
Dhanka kale, qoraal rasmi ah oo lagu daabacay barta safiirka midowga gaalada Yurub ugu magacaaban Soomaaliya, haweenayda lagu magacaabo Francesca Di Mauro, ayaa looga hadlay xaaladda khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira dabadhilifyadooda murtadiinta ah.
Danjiraha midowga Yurub, waxay sheegtay in Soomaaliya gashay marxalad siyaasadeed oo cusub, baaq deg deg ah ayay u jeedisay madaxda kooxda Riddada iyo kuwa mucaaradka ah.
Qoraalka oo barta danjiraha lagu daabacay ka hor inta aan lagu kala kicin fadhigii u dambeeyay ee shalay dhexmaray madaxda mucaaradka iyo kuwa Villa Soomaaliya, ayay ku sheegtay inay si dhow isha ugu hayeen shirarka iyo wadahadallada muqdisho, ayna ka sugayso warsaxaafadeed wadajir ah oo muujinaya heshiis laga gaaro arimaha la isku hayay, balse ugu dambayn ay fashilmeen kulamadaasi oo natiijo la’aan lagu kala dhaqaaqay.
Fariinta danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa u muuqatay mid si toos ah ugu socotay madaxa kooxda riddada murtad Guguurte, Siciid Deni iyo siyaasiyiin kale oo saamayn kuleh Siyaasadda Riddada, kuwaas oo magacyadooda lagu calaamadiyay qoraalka safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay midowga Yurub, ayaa imaanaya xilli uu dhamaaday muddo xileedka murtad Gurguurte, sidoo kalena fashil kusoo dhamaadeen wadahadalladii u dhaxeeyay dhinacyada ee ay garwadeenka ka ahaayeen gaalada beesha Caalamka oo Mareykanka iyo Ingiriiska ugu horreeyaan.
Gaalada caalamka, ayaa horay ugu goodisay inay dhaqaalaha ka goosan doonaan dabdhilifyadooda murtadiinta ah haddii aysan heshiis siyaasadeed ja gaarin khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.