Hey’ad-gaalleedda ICG ee diiradda xasaradaha adduunka, ayaa warbixin ay soo gudbisay kaga hadashay xaaladda kacsan ee ka taagan gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya, halkaas oo kooxda TPLF ay dhawaan la wareegtay awoodda maamulka Maqalla.
Tadesse Werede oo ah hor-joogaha gobolka Tigrey u qaabilsan dowladda federaalka Itoobiya ayay TPLF ka fara-maroojisay xilkaasi, waxaanay dib usoo celiyeen Debretsion Gebremichael oo hoggaamiye ka ahaa gobolka intii ay dagaalladu socdeen ee 2020 ilaa 2022.
ICG waxay sheegtay in tallaabada TPLF, ay si toos ah uga hor imaanayso dowladda Xabashida Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed, sidoo kalena ay halis gelinayso heshiiskii nabadda ee Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee socday muddada labada sano ah.
Warbixintu waxay xustay in haatan ay gobolka ka jirto cabsi aad u xooggan oo laga qabo suurtagalnimada dagaal cusub oo mar kale ka dhex-qarxa Itoobiya iyo TPLF, xilli maamulka Addis Ababa oo ciidamo badan dhoobay xuduudda ku teedsan gobolka Tigrey.
Xaaladda gobolka ayaa kasii dartay ayay tiri warbixintu, kadib markii xiisadda Itoobiya iyo Eratariya ay sii xumaatay, sidoo kalena dagaalka Suudaan uu sii xoogaystay isla markaana TPLF ay isbahaysi la samaysatay maamulka Asmara ee hor-joogaha uu ka yahay Asaias Afawerki.
ICG waxay ka digtay in haddii dagaal cusub uu ka qarxo waqooyiga Itoobiya uusan noqon doonin mid ku ekaado oo kaliya gobolka Tigrey, balse ay suurogal tahay inuu ku fido gobollada Amxaarada, Oromada, Canfarta ilaa xuduud-beenaadak Suudaan.
Waxa kale oo warbixintu ay intaas ku dartay in dagaalkaasi noqon karo mid soo jiita fara-gelin toos ah oo ka timaadda dhinaca Eretariya iyo sidoo kale kooxo kale oo gobolka ah. Waxaana suurogal ah ayay tiri in khasaarihiisu uu la mid noqdo dagaalkii qarxay 2020 ama uu kaba sii bato.