Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo madaafiic ah oo ay ciidamada mujaahidiintu ku garaaceen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee Maaya Fuulka oo ka tirsan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, weerarka ayaana u dhacay sidii loo qorsheeyay.
Inta la xaqiijiyay dhaawaca waa 3 askari oo murtadiin ah, howlgalkan ayaana qayb ka ah howlgallada ciidan ee mujaahidiintu ku beegsanayaan maleeshiyaadka iyo saraakiisha murtadiinta ah ee qaybta ka ah duullaanka saliibiga ah ee lagu soo qaaday wilaayaadka islaamiga ah ee Soomaaliya.
Dhanka Sh/hoose, Howlgal ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Baraawe, ayaa lagu dilay askari ka tirsan Sirdoonka Riddada ee NISA loogu yeero, kaasi oo lagu magacaabi jiray Saciid Axmed.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah ka fuliyeen degmada Jannaale ee isla Sh/hoose, kaasi oo lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyo murtadiin ah, hal askari oo murtad ah ayaa ku dhaawacmay.
Isla Sh/hoose, ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidamada kuffaarta Afrikaant ee deegaanka Buula-nageey ee u dhow deegaanka Numbar60, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.