Kaddib fashilka milatari iyo midka siyaasiga ah ee ay wajahayso xukuumadda Riddada Boomaako iyo cadaadiska kaga imaanaya gudaha, ayuu nidaamkaasi door_biday in uu ka aargoosto dadka rayidka ah.
Mid ka mid ah xasuuqyadii u dnabeeyay ayaa laga soo diiwaan_galiyay gobolka Mobti, kadib markii maleeshiyaadka Riddada Maali iyo kuwa Ruushka ay si bareer ah u xasuuqeen qoysas dhan.
Ilaa 31 ruux oo ay caruur iyo haween ku jiraan ayaa ku shahiiday dhacdadaasi, Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaana kasoo saartay bayaan ku qoran luuqad adag, waxaana lagu yiri :
” Dembigan foosha xun wuxuu sababay dhimashada 31 qof oo rayid ah, badankoodna ahaa carruur da’doodu u dhexaysay laba sano iyo bar iyo wixii ka weyn, iyadoo muuqaaladu ahaayeen kuwo argagax iyo murugo leh, oo muujinaya gubasho iyo tacaddiyo loo geystay dad aan waxba galabsan.
Beegsiga haweenka iyo carruurta iyo dabar-goynta qoysas dhan waa dambi aan marnaba loo cudurdaari karin. Waxayna ahaan doontaa ceeb ku daba dhegta cid kasta oo ka qayb qaadatay, amartay, ama ka aamustay. Sidaas darteed, waxaan maamulka ka taliya Bamako dusha uga tuuraynaa mas’uuliyadda buuxda ee xasuuqyada ay u geysanayaan shacabka muslimka ah”
Xasuuqan wuxuu ku biirayaa silsilad xasuuqyo iyo weerarro ah oo ay geesteen ciidamada Riddada Maali iyo kuwa Ruushka, kuwaas oo marar kala duwan ka dhacay qaybo badan oo dalkaasi ka mid ah.