Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xildhibaannada Riddada, sidoo kalena ka mid ah hoggaanka mucaaradka, ayaa sheegay in Xassan Sheekh Maxamuud uu ku jiro abaabul ciidan oo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka.
Wuxuu ku eedeeyay in uu maleeshiyo kasoo daabulayo gobollada dhexe iyo kuwa kale oo uu kasoo saarayo xeryo ciidan oo kuyaal magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu hoggaanka mucaaradka ku weerari doono.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa intaas ku daray inaysan dhag jaqal u siin doonin abaabulka ciidan ee uu wado Xasan Gurguurte, isku soo baxyada iyo qorsheyaasha ay villada kaga saarayaanna sii wadi doonaan.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in Xasan sheikh uu ganacsatada Muqdisho ku amray inay lacagta baadda ah usoo hormariyaan muddo saddex bilood ah, isagoo arintaas ku tilmaamay baqdin uu ka qabo in uu kursiga kusii fadhiyo.
Mucaaradku, waxay bisha Juun ee soo socota qorsheynayaan isku soo baxyo hor leh oo ka dhan ah Xasan Gurguurte, Xasan sheikh ayaa hadda wajahaya cadaadisyo siyaasadeed oo caalami iyo kuwa gudaha ah.