Maamulka gaalla-raaca Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay safaarad ka furanayaan Qudus, taas oo ka dhigan in magaaladan barakaysan u aqoonsadeen caasimadda maamulka gumaystaha ee Sahaayinada Yahuudda.
Murtad Maxamed Xaaji oo ah safiir-ku-sheegga maamulka Hargeysa ugu magacaaban Yahuudda, ayaa si rasmiya u shaaciyey in Somaliland ay sida ugu dhakhsaha badan safaarad ugu faran doonto magaalada barakaysan ee Qudus.
Warkan oo murtadkani ku sheegay qoraal uu soo dhigay barihiisa xiriirka bulshada ayaa intaa ku daray, in maamulka Yahuuddu uu sidoo kale isaguna safaarad ka dhisan doono magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka riddada Somaliland.
“Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ay noqon doonto Qudus, taas oo sida ugu dhakhsaha badan loo furi doono, halka Israa’iil ay sidoo kale Safaaraddeeda ka dhisi doonto Hargeysa…” ayuu yiri murtad Maxamed Xaaji.
Tallaabadan ayuu murtadkani ku sifeeyey mid muujinaysa saaxiibtinimada sii kordhaysa iyo iskaashiga u dhaxeeya maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland iyo maamulka gumaystaha Yahuudda ee xoogga ku haysta dhulka muslimiinta ee reer Falastiin.
Wasiirka Arrimaha Dibahadda ee maamulka Yahuudda, Jidcoon Sa’ar ayaa isna si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey dhawaaqa kasoo yeeray maamulka riddada Somaliland ee ay sheegeen inay safaarad ka furanayaan magaalada barakaysan ee Qudus.
“Waxaan u hambalyeynayaa saaxiibkay madaxweynaha Somaliland CabdiRaxmaan Maxamed Cabdilaahi, go’aanka muhiimka ah ee uu ku dhisayo Safaaradda Somaliland ee Qudus, oo ah caasimaddayada rasmiga ah” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Yahuudda, Jidcoon Sa’ar.
Gaalkan Yahuudiga ah waxa uu intaas ku daray in si wada-jir ah ay u hir-gelin doonaan go’aanka furitaanka safaaradda ee Qudus, kaas oo uu ku sifeeyey tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu sii xoojinayo ayuu yiri, xiriirka ka dhexeeya labada maamul iyo labada shacab.
Jidcoon Sa’ar waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyey in safaaradda Somaliland ay noqon doonto safaaradda sideedaad ee laga furo Qudus. Taas oo muujinaysa ee dalalkii kale ee adduunka oo dhami ay ku dhiiran waayeen inay safaarad ka furtaan Qudus.
Tallaabadan gurracan ee uu ku dhawaaqay maamulka riddada Somaliland oo noqotay mid filan-waa ah ayaa waxaa si weyn uga carooday ummadda muslimiinta ah ee ku kala nool dalalka Islaamka iyo guud ahaan daafaha dunida.