Ururka shiiciga ah ee Xuutiyiinta Yemen ayaa saacadihii lasoo dhaafay digniin culus kasoo saaray xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland iyo Kiyaanka Sahyuuniga ah ee xoogga ku haysta dhulka muslimiinta ee reer Falastiin.
Mahdi Al-Mash-shaat, oo ah madaxa Golaha sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta Yemen, ayaa dhaleeceeyay tallaabooyinka Somaliland ee ku aaddan xiriirka sii xoogaysanaya ee Yahuudda, isagoo ku tilmaamay arrin halis ah oo khatar gelinaysa Yemen iyo xasilloonida guud ee gobolka.
Al-Mash-shaat ayaa sidoo kale digniin u diray Mareykanka iyo Yahuudda, isaga oo sheegay in Xuutiyiintu ay diyaar u yihiin inay sii wadaan dagaalka ilaa inta laga xoreynayo ayuu yiri, taakada ugu dambaysay ee dhulka Yemen. Isagoo ku nuuxnuuxsaday taageerada ay u hayaan Falastiin, Lubnaan iyo Iran.
Waxa uu xusay in Maraykanka iyo Sahaayinadu wakhti-xaadirkan bannaanka u soo saareen damacyadooda oo aysan qarsan mashruuca ballaaran ee ay ugu yeeraan Israa’iisha Weyn, kaas oo salka ku haya ayuu yiri, duullaanka Sahuu-saliibiga ah ee ay ku qaadeen waddanka Iran.
Madaxa Golaha sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta Yemen, waxa uu dhanka kale, Mareykanka iyo Sacuudiga ku eedeeyay inay doonayaan kala qeybinta Yemen iyagoo adeegsanaya ayuu yiri dagaal, go’doomin iyo taageerada kooxaha iyaga xulafada la ah.
Digniintan ayaa imanaysa xilli maamulka gaallo-raaca Somaliland uu shaaca ka qaaday inuu safaarad ka furanayo Qudus oo ah caasimadda Falastiin, taas oo ka dhigan in maamulka Cirro uu magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Yahuudda, arrintaas oo ay si weyn uga dhiidhiday bulshada Soomaaliyeed.