Kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan kooxda Riddada Soomaaliya ayaa sheegay in ay si adag isaga difaaci doonaan maleeshiyaadka Xasan Gurguurte haddii ay isku dayaan in ay carqaladeeyaan iskusoo baxyada loo balansanyahay bisha soo socota.
Cabdi Qeybdiid oo kamid ah xubnaha mucaaradka ahna Senatar katirsan golaha dawaaqiidda ayaa shaaciyay in afarta bisha soo socota ay udiyaar garoobeen isagoo kooxda Riddada ugu goodiyay in ay iska difaaci doonaan.
Tallaabadii isbuucyo ka hor looga hor istaagay banaanbax ay sameyn lahaayeen iyo jawaab la’aanta mucaaradka ayuu ku tilmaamay turid ay shacabka uturayeen sida uu hadalka udhigay.
Dhinaca kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah saraakiisha Golaha Samatabixinta mucaaradka ah ayaa xaqiijiyay in iyaga iyo Xasan Gurguurte ay isku daaleen sidaas daraadeed ay dalbanayaan in gaalada caalamka ay dhax dhaxaadiso.
Khilaafka udhaxeeya murtadiinta ayaa meel sare gaaray waxaana laga cabsi qabaa in haddii ay xaaladdu sidaan sii ahaato ay dhinacyad ku dagaallamayaan xaafadaha magaalada Muqdisho.