
Diyaaradaha cadowga ayaa habeenkii xalay duqeyn cadowtooyo ka geystay degmada Buq aqable ee wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan, halkaas oo ay ku shahiideen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, halka kuwa kalena ku dhaawacmeen.
Diyaaradaha cadowgu waxay si gaar ah u beegsadeen oo gantaal ugu dhufteen guri ay dagganaayeen qoys shacab ah oo ka mid ahaa dadka rayidka ah ee kunool degmada Buqaqable, waxaana duqayntaas ku shahiiday laba ruux oo kala ahaa, Aabihii qoyska oo lagu magacaabi jiray Cabdi Axmed oo mu’addin ka ahaa mid ka mid ah masaajidda degmada Buq aqable, Xafsa Cabdi oo aheyd gabar 15 jir ah oo xaafidul Qur’aan ahayd.
Sidoo kale waxaa duqeynta cadowtooyo ku dhaawacmay labo ruux oo qoyska ka tirsanaa kuwaasi oo kala ah, hooyada guriga hooyo Nadiifo Ibraahiim Salaad iyo Cabdiraxiim Cabdi oo ah wiil 13 jir ah, sidoo kale waxaa gabi ahaan burburay gurigii qoysku daganaayeen ee diyaaradaha cadowga Allaah ay duqeeyeen.
Waxaa xusid mudan in sidoo kale duqeyntu leysay dhowr neef oo Ari ah oo qoysku lahaa, waxayna tani qayb ka tahay duqaymaha arxan-darrada ah ee ay diyaaradaha cadowgu ku beegsadaan shacabka ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ah.