Wararka ka imaanaya gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in jabhadda Fano ay dhegta dhiigga u dartay saraakiil iyo askar badan oo ka tirsanaa ciidanka Abiy Axmed.
Iska hor’imaadka, ayaa si gaar ah uga dhacay aagga Andodedicho, waxaana halkaas lagu beegsaday taliye ku xigeenka taliska dhexe ee ciidanka xabashida, General Asnake Aytenew iyo saraakiil kale oo sarsare iyo askar badan oo howlgallo iyo kormeer ka waday inta u dhaxaysa Nekemte iyo Gida Ayana.
Maleeshiyada Jabhadda Amxaarada ee FANO, oo u muuqday kuwa si dhow isha ugu hayay dhaqdhaqaaqa sarkaalkan sare, ayaa weerar ku qaadday taliyaha iyo ciidanka uu watay, ilo kala duwan ayaa sheegay in ciidankaas oo tiradoodu boqollaal ahayd la wada laayay.
Ilo wareedyo, ayaa sheegay in weerarka Fano lagu dilay General Asnake Aytenew iyo saraakiil kale sarsare oo ka tirsanaa taliska dhexe iyo boqollaal askar ah oo safarka ku wehlinayay.
Jabhadda Fano waxay soo bandhigtay kaarka Aqoonsiga generaalka la dilay, sarkaalkan muhiimka u ahaa ciidanka millatariga iyo saraakiisha kale ayaa lagu dilay iska hor’imaad culus oo maalin ka hor ka dhacay.
Dowladda uu hoggaanka u hayo Abiy Axmed iyo weliba taliska ciidanka military-ga midkoona kama hadal weerarkan la sheegay in lagu soo afjaray saraakiisha ugu sarreyaa ciidanka Xabashida Itoobiya.
Dadka falanqeeya arrimaha Itoobiya, waxaya sheegayaqn in dilka jeneraalkan uu noqonayo sarkaalkii ugu darajada sarreeyay ee militari oo lagu lagu dilo goob dagaal oo gudaha Itoobiya ah tan iyo 2020-kii, kolkaas oo uu qarxay dagaalkii Tigreega.