Ugu yaraan 21 qof oo rayid ah ayaa la dilay, tobannaan kalena waa ay ku dhaawacmeen labo maalmood gudahood, kadib duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, oo ay fuliyeen maleeshiyaadka RSF.
Diyaaradahan ayaa beegsaday suuqyada magaalooyinka Al-Tiina iyo Kurnuuy ee gobolka Waqooyiga Daarfuur. Waxaana sawirro lagu faafiyey baraha bulshada laga dheehan karaa khasaaraha iyo burburka baaxadda leh ee halkaasi ka dhashay.
Ilo deegaanka ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in drone ay leedahay RSF ay Isniintii shalay ku dhufatay suuqa Kurnuuy, halkaas oo ugu yaraan shan qof ay ku naf-waayeen, afar kalena ay soo gaareen dhaawacyo garaab ah. Halka in ka badan toban dukaan ay gebi ahaanba burbureen.
Sidoo kale maalintii ka horeysay ee Axadda, 14 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar la mid ah oo lagu qaaday suuqa Al-Tiina, oo ah magaalo xuduud la leh Chad, sida ay sheegeen dad u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo deegaanka ku sugan.
Duqeymahan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maleeshiyaadka RSF ee Imaaraadku taageero ay horaantii sanadkan 2026 fuliyeen guluf ballaaran oo ay ku doonayso inay kula wareegto goobaha ugu dambeeya ee ay ciidamada Suudaan kaga harsan yihiin gobolka Daarfuur.
Al-Tiina, Ombaruu, iyo Kurnuuy ayaa ka mida goobaha ugu daran ee loollanku ka socdo. Bishii Maarso, maleeshiyaadka RSF ayaa gudaha u galay Al-Tina, balse ciidanka dowladda iyo xulafadooda ayaa dib uga saaray kana soo celiyay gacan-ku-haynta magaalada.
Kororka weerarrada cirka ayaa sidoo kale kusoo aadaya iyadoo la soo sheegayo isu-urursi ciidan oo aan hore loo arag oo ay RSF ka sameyneyso deegaannada Saraf Cumra, Kebkabiya, Al-Juneynah iyo Kulbus, taasoo falanqeeyayaashu aaminsan yihiin inay hordhac u tahay weerarro dhulka ah oo ku wajahan deggaannada Al-Tiina, Ombaaruu, iyo Kurnuuy oo ku teedsan xadka Chad.