Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan ayaa xalay ilaa maanta laga dareemayaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib markii mucaaradku ay bilaabeen abaabulka bannaanbaxyo ay sheegeen inay qaban doonaan maalinta berrito ah.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka qaarkood ayaa saacadihii lasoo dhaafay kasoo ruqaansaday goobihii ay deggenaayeen, iyagoo usoo digo-rogtay xaafado kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka wadaan abaabullo ka dhan ah xukuumadda Gurguurte.
Murtad Xasan Cali Khayre oo R/Wsaare kasoo noqday Villa Soomaaliya, haatanna ah xubnaha ugu cad-cad mucaaradka, ayaa habeennimadii xalay ka guuray xayndaabka Xalane, isagoo degay agagaarka degmada Hawl-wadaag ee gobolka Banaadir, halkaas oo maleeshiyaad fara badan uu ku urursaday.
Shariif-murtad ayaa isna fadhiisin ka samaystay degmada CabdiCasiis ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo aad u xooggan iyo sidoo kale abaabulka bannaanbaxyo looga soo hor-jeedo kooxda Villa Soomaaliya.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay amartay in go’doomin u dhiganta xabsi-guri la galiyo xubnaha mucaaradka ee dhaqdhaqaaqyada ka wada qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir, gaar ahaan Shariif-murtad iyo Xasan Cali Khayrre.
Sida ay xogtu tibaaxayso, maleeshiyaad fara badan oo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu daadiyey waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyagoo isku dayaya inay awood kaga hor-tagtaan dhaqdhaqaaqyada mucaaradka.
Sidoo kale maleeshiyaad aad u hubaysan ayaa la dul-dhigey guriga uu deggen yahay Xasan Cali Khayrre, iyagoo dhanka kalena saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaadkani jaray isku-socodka waddada Isgoryska Dabka ilaa isgoyska Bakaaraha.
Gawaarida gaashaaman ee maleeshiyaadka riddada ayaa iyaguna saaka gaaf-wareegayay jidadka halbowlayaasha ah ee magaalada Muqdisho. Waxaana sidoo kale qaar ka mida maleeshiyaadkaasi isku gedaameen aagga uu Shariif-murtad ka degey degmada C/Casiis.
Maleeshiyaad iska soo hor-jeeda oo kala taabacsan xukuumadda iyo mucaaradka ayaa saaka lagu arkay iyagoo isku hor-fadhiya Isgoyska Dabka iyo dhowr goobood oo kale, iyadoo saacad walba ay suuro-gal tahay in labada dhinac ay isku fara saaraan gudaha magaalada.
Xaaladda caasimadda Muqdisho waa mid kacsan, waxaanay kusoo aadaysaa xilli uu cirka isku sii shareeray khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya kooxaha riddada ee ku muransan kurisga Villa Soomaaliya, kadib markii uu dhammaaday muddo-xileedkii murtad Gurguurte.