Wararka ka imaanaya biyaha kala qeybiya wadamada Jabuuti iyo Yemen ayaa sheegaya in isku dhac khasaara dhaliyay uu halkaas kudhaxmaray ciidamada dowladda Jabuuti iyo kooxo hubaysan.
Laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Riddada Jabuuti ayaa ku dhaawacmay iska horimaad hubaysan oo ka dhacay biyaha badda Cas ee dalkaas,
Sida ay wararku sheegayaan weerarkan ayaa yimid kaddib markii ciidamada badda Jabuuti ay isku dayeen inay qabtaan doon xawaare dheereeya ku socotay oo laga leeyahay Yemen.
Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti ayaa sheegtay in ciidamada badda ay doonta weerar qorshaysan ku qaadeen balse ay lakulmeen iska caabin hubaysan arrinkaas oo dhaliyay dhaawac soo gaaray 2 katirsan ciidamada Badda wadankaasi.
Warbaahinta Yemen waxay sheegtay in weerarkan uu ka dhacay goob xasaasi ah balse illaa iyo hadda lama garan heybta kooxaha hubaysan ee doonta saarnaa.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli xeebaha Yemen illaa iyo Jabuuti ay ka jiraan xiisadaha colaadeed oo udhaxeeya Xuuthiyiinta iyo xulufada Sacuudigu hoggaaminayo.
Maalin ka hor ayay aheyd markii ay Xuuthiyiintu weerar khasaara badan dhaliyay ka geysteen dekad kutaad badda cas oo aan sidaas uga fogeyn dalka Jabuuti.