Wax doorasho lagu sheegay oo maanta ka dhacday xarunta baarlamaanka daaquudka ah ee kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa guddoomiye cusub loogu doortay nin saaxiib dhow la ah Xasan Gurguurte, madaxa kooxda Riddada Soomaaliya.
Murtad Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayay xildhibaannada kooxda Riddada ugu doorteen in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee golahaasi, doorashadan ayaana ahayd mid lasii ogaa natiijadeeda.
Mid ka mid ah xildhibaannada lagu sheegay musharaxiinta oo xarunta golaha dawaaqiidda ka hadlayay, ayaa si cad u sheegay in xildhibaannadu dooran doonaan ninka dooran oo uu ula jeeday Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Arrimaha la yaableh ee ay dadku isla dhex marayeen ee doorashada maanta ka dhashay waxaa ka mid ahaa, in ninka loo doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Riddada uu yahay nin ku fadhiya kursi loo soo dhacay oo xillibaankii ku fadhiyay looga kiciyay.
Sidoo kale waxay dadku isla dhexmarayeen hadal uu golahaasi ka jeediyay murtadka loo doortay guddoomiyaha cusub ee golaha dawaaqiidda Riddada, kaasi oo ahaa in loo doortay in uu guddoomiye u noqdo xillibaannada muddo Afar sano ah, taasi oo muujinaysa damaca fog ee muddo kororsiga kooxda Riddada, kaasi oo horay u ahaa muddo laba sano ah.