Maalmahan ugu dambeeyey waxaa si weyn loo hadal-hayay isla markaana warbaahinta caalamka, kuwa gobolka iyo sidoo kale hey’adaha cilmi-baaristu ay aad u falanqaynayeen, tallaabadii dhowr cisho ka hor ciidamada Itoobiya ku wareejiyeen mas’uuliyadda saldhiggii ay ka deggenaayeen magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Saldhiggan oo muddo dhowr iyo toban sano ah ay ku sugnaayeen ciidanka Xabashida Itoobiya, ayaa warsaxaafadeed kasoo baxay taliska AUSSOM lagu xaqiijiyey in 8-dii August oo ku beegan sabtidii hore, mas’uuliyadda taliskan si rasmi ah loogu wareejiyey maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya.
Sida lagu caddeeyey bayaanka kasoo baxay taliska ciidamada Afrikaanta, tallaabadan ayaa astaan u ah dardargelinta wareejinta mas’uuliyadaha amniga maleeshiyada kooxda Riddada Soomaaliya oo ay sheegeen inay si tartiib-tartiib ah ugu wareejinayaan maamulka Muqdisho.
Horn Review oo ah hey’ad cilmi-baariseed oo Itoobiyaan ah isla markaana diiaradda saarta falanqaynta arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Geeska Afrika, ayaa walaac xooggan ka muujisay wareejinta ciidamada Itoobiya ee mas’uuliyadda saldhigga Buurhakaba.
Hey’addu waxay xustay in wel-wel kastoo jira haddana wareejintani ay qayb ka tahay hannaan ballaaran oo ciidamada Itoobiya ay rabaan inay si tartiib-tartiib ah saldhigyada ay gacanta ku hayaan ugu wareejinayaan, maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya.
Warbixinta Machadka Horn Review oo fadhigiisu yahay Addis Ababa, ayaa xustay in Buurhakaba ay tahay magaalo istaraatiijiya oo ku taalla jidka weyn ee isku xira caasimadda Muqdisho iyo magaalada Baydhabo, iyadoo ka dhawaajisay in daafaheeda ay dhooban yihiin jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Sababaha dhabta ah ee keenay in xilligan la wareejiyo mas’uuliyadda saldhiggan ayay warbixintu sheegtay in ilaa hadda si faahfaahsan aan loogu soo bandhigin dadweynaha, marka laga reebo ayay tiri, qorshaha guud ee ciidamada AUSSOM ay ku wareejinayaan saldhigyada iyo cadaadiska sii kordhaya ee ku aaddan sii jiritaanka iyo maalgelinta howlgalka.
Dalalka ciidamadu ka joogaan AUSSOM oo dhammaadkii Luulyo ku kulmay Kampala waxay garwaaqsadeen ayay tiri warbixintu, culayska xaaladda, waxayna ku baaqeen in muddada kala-guurka lagu kordhiyo 18 ilaa 24 bilood, hase yeeshee ma aysan soo bandhigin hannaan kale oo maalgelin ah oo la isku halayn karo.
Xafiiska taageerada ciidamada Afrikaanta ee UNSOS oo isna bilaabay qorshe uu ku xaraashayo agabka Qaramada Midoobay ee yaalla gudaha Soomaaliya, ayay warbixintu ku sifaysay calaamad muuqata oo muujinaysa rajo-beelka hawl-galkan, xilli awoodda millateri ee jihaadiyiintu ay sii kobcayso.
Critical Threats Project oo ah mashruuc cilmi-baaris iyo falanqayn amni oo Mareykan ah, kana tirsan Machadka American Enterprise Institute ee fadhigiisu yahay Washington, ayaa isna rajo-beel ka muujiyey waraajinta saldhigga Buurhakaba iyo xaraashka hantida Qaramada Midoobay, waxaanu sheegay in arrimahani ay kusoo aadeen xilli ay jirto hubanti la’aan baahsan oo dul-hoganaysa mustaqbalka AUSSOM iyo awoodda maleeshiyaadka Villa Soomaaliya.
Sida ay ka sanqarisay Horn Review, isbeddelladan isku soo beegmay waxaa ka mid ah joojinta maalgelinta Maraykanka ee UNSOS, xoojinta qalalaasaha siyaasadeed iyo hay’adeed ee kooxda Villa Soomaaliya, isbeddelka nidaamka awoodda ee gobolka, iyo maqnaanshaha hannaan kale oo waara oo lagu sii wado taageerada saadka.
Waxa kale oo Machadka Itoobiyaanku xusay in jihaadiyiintu ay horumar ka sameeyeen dhinacyada millateriga, dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda, iyadoo arrimahaasi ay xilligan kala-guurka fursad u siinayaan in si ka xoog badan sidii hore ay awooddooda ugu sii fidiyaan deggaanno hor leh isla markaana ula wareegaan saldhigyada ay ka baxaan ciidamada shisheeye.
Sidaas darteed ayay tiri warbixintu, khatarta ka dhalanaysa ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee goobaha sida Burhakaba waxaa sii xoojinaya hubanti-la’aanta ballaaran ee ku habsatay hawl-galka ciidamada Afrikaanta ee isbahaysiga AUSSOM.
Wax la baciidsan karo maaha ayay tiri warbixintu in jihaadiyiintu ay isla markaaba la wareegaan saldhigyada laga baxo, maadaama casharradaasi horey loosoo qaatay kadib markii marar badan ay ka faa’iidaysteen lana wareegeen saldhigyo ay ka baxeen ciidamada shisheeye.
Machadka Horn Review waxa uu hoosta ka xariiqay in Buurhakaba ay tahay meel aad u nugul maadaama ayay tiri, jihaadiyiintu ay ku hareeraysan yihiin, isla markaana maleeshiyaadka lagu wareejiyey mas’uuliyadda saldhiggaasina ay yihiin kuwo aad tabar-daran.
Warbixintu waxay ka sanqarisay in welwelka ugu weyni yahay firaaqa amni ee la filayo in uu yimaaddo marka ay baxaan ciidamada shisheeye, maadaama aysan jirin maleeshiyaad la isku hallayn karo oo si buuxda ula wareegi kara saldhigyada laga waardiyeeyo nidaamka daba-dhilifyada Soomaaliya.
Codsiga kooxda Villa Soomaaliya ee ahaa in ka bixitaanka ciidamada shisheeye dib loo dhigo laba sano wuxuu la kulmayaa ayay tiri warbixintu, xaqiiqo dhaqaale oo ah in muddo-kordhin noocaas ah aysan hadda haysan wax maalgelin ah.
Horn Review waxay carrabka ku dhufatay in hawlgalku uu gebi ahaanba wajahayo xaalad maalgelin oo aad u halis ah, sidaas darteed wareejinta gooni-goonnida ah ee saldhigyadu waxay qarka u saaran yihiin ayay tiri, inay noqdaan marxalad bar-bilow u ah bixitaan ballaaran oo ciidamada AUSSOM ay kaga laalaabanayaan guud ahaan waddanka Soomaaliya.
Machadkan Itoobiyaanka ah ee Horn Review isagoo ka walaacsan arrintan ayaa waxa uu yiri “Haddii ciidamada shisheeye si degdeg ah u baxaan iyadoo aan la hayn dhaqaale iyo taageero ku filan, waxaa jirta khatar ah in dib loo abuuro xaaladihii u saamaxay Al-Shabaab inay xoogaysato kaddib faragelintii Itoobiya ee 2006-dii, iyo sidoo kale kaddib ka bixitaannadii qayb-qaybta ahaa ee xigay.”
Sidaas darteed wareejinta saldhigga Burhakaba ma aha oo keliya ayay tiri warbixintu, isbeddel yar oo dhinaca hawlgalka ah, balse waa astaan muuqata oo salka ku haysa cadaadisyo dhowr ah oo is-biirsaday, sida daciifnimada hay’adaha amniga, joojinta deg-degga ah ee taageerada saadka, kororka awoodda jihaadiyiinta, iyo isbeddelka guud ee xaaladda gobolka.
Warbixinta Critical Threats Project ayaa iyaduna ka sanqarisey in ifafaalaha muuqdaa uu muujinayo in jihaadiyiinta Al-Shabaab aysan beer-darrayn doonaan jaanisyada soo aaddan, maadaama ayay tiri kooxdu ay haatanba xoojiyeen hawl-gallada ay ka wadaan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo sidoo kale waqooyi-bari Kenya.
Waxa kale oo Al-Shabaab ay si weyn u kordhisay ayay tiri warbixintu, dadaallada ay ku ku xoojinayso gacan-ku-heynta duleedka Muqdisho, iyadoo sidoo kalena weerarrada ay ka waddo gobolka Shabeellaha hoose xoojisay 60% intii u dhexeysay Juun iyo Agoosto ee sannadkan 2026, marka loo eego ayay tiri bilihi ka horreeyey ee Janaayo ilaa May.
Mashruucan hoos-taga hey’adda American Enterprise Institute, ayaa isagoo tusaale u soo qaadanaya sida ay usii xoogaysanayaan weerarrada jihaadiyiinta, wuxuu si gaar ah u xusay laba qarax oo Isniintii lasoo dhaafay ee 27-kii Safar ay dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen 52 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte.
Sidoo kale hey’adda Armed Conflict Location & Event Data (ACLED), ayaa sheegtay in muddadii u dhaxaysay 1-da ilaa 7-da Agoosto, jihaadiyiinta Al-Shabaab ay gudaha Muqdisho ka fuliyeen weerarro ka badan kuwii dhacay bilihii ka horreeyey ee sannadkan 2026.
Waxa kale oo warbixintu iyadoo sii lafa-guraysa koboca awoodeed ee jihaadiyiinta ay tusaale u soo qaadatay la-wareegistii Al-Shabaab ee deggaanka Teedaan, oo ay ku tilmaantay horumar istaraatiiji ah oo wax badan ka tari doona arrimaha millateriga.
Dhinaca Kenya, ayay warbixintu ka dhawaajisay in jihaadiyiintu ay sidoo kale sare u qaadeen hawl-gallada, iyadoo sheegtay in bishan lagu jiro iyo labadii bilood ee ka horreeyey ee Juun iyo Luulyo jihaadiyiintu ay sii laba-jibbaareen weerarrada, gaar ahaan gobolka Mandheera.
Sare-u-kaca awoodeed ee Al-Shabaab ee weliba kusoo aaday xilli hawl-galka Afrikaanta ee Soomaaliya uu qarka u saaran yahay kala-carar, ayay warbixinnadani muujiyeen in laga dheehan karo, sida insha Allaah dhawaan loogu kala bixi doono Soomaaliya iyo cidda guushu ay raaci doonto.