Markab xamuul ah ayaa maanta oo Isniin ah lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, kadib markii siddeed nin oo hubaysan ay fuuleen lana wareegeen gacan-ku-haynta markabka, sida ay sheegtay Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO).
Digniin ay soo saartay, UKMTO waxay ku sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan dhacdo ka dhacday meel 4 mayl-badeed koonfur ka xigta deggaanka Mareeyo oo ka tirsan gobolka Bari ee waqooyiga Soomaaliya.
Hay’addu waxay sheegtay in sarkaalka amniga ee shirkadda iska leh markabka xamuulka uu soo sheegay in siddeed qof oo hubaysan oo aan loo oggolaan inay markabka fuulaan ay galeen markabka, kadibna ay la wareegeen gacan-ku-hayntiisa.
Qoraalka UKMTO ma uusan shaacin cidda leh markabka, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyadda falkan oo dhacay qiyaastii abbaaro nususaac kabacdi salaaddii duhur.
Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli xeebaha Soomaaliya ay ku afduuban yihiin 4 markab iyo shaqaalihii saarnaa oo tiradooda lagu sheegay 67 qof, kuwaas oo ilaa hadda aan lasii dayn.