Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Nairbobi ee dalka Kenya, kaasi oo gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.
Dhacdada shilka ah ayaa si gaara looga soo tabiyay waddada Riverside Drive ee ka tirsan xaafadda Westlands ee magaalada Nairobi, Ilo wareedyo gudaha ah ayaa sheegay in gaari nooca Range Rover ah oo xawaara sare ku socday uu ku dhacay mooto.
Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkan gaari, kuwaas oo kala ahaa darawalkii gaariga iyo wadihii mootada, isla goobta uu shilka ku dhacay ayana ku geeriyoodeen.
Wararku waxay intaas ku darayaan in shilkan baabuur ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale, kuwaas oo loo qaaday isbitaallo si halkaas loogu dabiibo, burbur gaaray gaariga iyo mootada ayaana jira.