Hoggaamiyaha Guud ee Jabhadda Fano, Zemene Kassie (Zemene Kaasi), ayaa dowladda Xabashida Itoobiya ee garwadeenka uu ka yahay Abiy Axmed ku eedeeyey inay si aan kala sooc lahayn diyaaradaha drones-ka ugu duqayso dadka shacabka ah iyo goobaha rayidka.
Sidoo kale hoggaamiyaha Fano waxa kale oo uu ku eedeeyay Imaaraadka, Maraykanka iyo dalalka Yurub inay taageeraan xukuumadda Addis Ababa, isagoo intaa ku daray in Imaaraadku fara-gelin u muuqata door gumeysi oo kale uu ku leeyahay Itoobiya.
Dhanka kale, hoggaamiyahani waxa uu ku andacooday in Fano ay gacanta ku hayso in ka badan 80% dhulka miyiga ah ee Amxaarada iyo magaalooyin yaryar oo badan, isla markaana ay marar badan ay si ba’an furimaha dagaalka ugu jebiyeen ciidanka Xabashida Itoobiya.
Intii Zemene Kassie uu ku gudo-jiray war-saxaafadeedkiisa waxa uu ka sanqariyey in dhaqdhaqaaqiisa uu ka gudbay xuduudda Amxaarada, isla markaana uu isku dayayo inuu isbahaysi la sameeyo kooxo hubaysan oo ka kala socda qaybo badan oo Itoobiya ah.
Wuxuu sheegay in ugu yaraan toddoba urur ay muddo 7 ilaa 8 bilood ah ka wadahadlayeen sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah xukuumadda Abiy Ahmed, isaga oo hadafkooda ku tilmaamay in la dhiso Itoobiya cusub ka dib “dhicitaanka Abiy Ahmed”.
Hadalka hoggaamiyaha Fano ayaa imanaya xilli qulqulatooyinka ka aloosan gudaha Itoobiya ay kasii dareen isla markaana xiisado hor leh ay kasoo laba-kacleeyeen dhinaca gobolka Tigrey, halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan jabhadda Tigrey iyo ciidanka federaalka Itoobiya.