Qormo uu baahiyey Joornaal laga leeyahay Maraykanka oo lagu magacaabo Fighting Words ayaa lagu sheegay ku doodaysa in siyaasadaha Maraykanka iyo Yahuuddu ay sii xoojinayaan kala-qaybsanaanta Soomaaliya iyo xasillooni-darrada Geeska Afrika.
Sida maqaalku ka dhawaajiyey, go’aanka Maraykanka ee joojinta taageerada saadka ee xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOS waxa uu halis gelinayaa awoodda ciidamada AUSSOM ee dagaalka Al-Shabaab iyo taageerada amni ee kooxda Villa Soomaaliya.
Waxa kale oo maqaalku tilmaamay in Soomaaliya muddo dheer ay bartilmaameed u ahayd quwadaha shisheeye sababo ay ka mid yihiin kuwo la xiriira goobteeda istiraatiijiga ah ee u dhow Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Bab al-Mandab iyo Badweynta Hindiya.
Qormadu waxay sheegaysaa in aqoonsiga Yahuudda ee maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland iyo wararka ku saabsan ballaarinta saldhigga Maraykanka ee Boosaaso ay kordhin karaan faragelinta shisheeye iyo khilaafaadka gudaha Soomaaliya.
Maqaalku waxa uu ka digay in xiriirka sii kordhaya ee Yahuudda iyo Somaliland, joogitaanka Mareykanka ee Puntland, iyo xiisadaha ka jira Iran iyo Yemen ay keeni karaan in colaadaha Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ay si istiraatiiji ah isugu xirmaan.