Lix nin oo hubeysan ayaa la wareegay gacan-ku-haynta markab shidaal oo ku safrayay Gacanka Cadmeed, meel ka baxsan xeebaha Yemen, waxayna u weeciyeen dhanka Soomaaliya, sida ay maanta oo Khamiis ah sheegtay Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee UK (UKMTO).
UKMTO ayaa baraha bulshada ee X ku sheegtay in ay “heshay xaqiijin ah in markabka ay fuuleen lix qof oo hubeysan, kuwaas oo hadda gacanta ku haya markabka isla markaana u weeciyey Soomaaliya.”
Hay’adda oo xogtan heshay abbaaro duhurkii wakhtiga Soomaaliya, ayaa intaas ku dartay in dhacdadan ay weli baarayso, iyadoo maraakiibta maraysa aaggaas kula talisay inay taxaddar muujiyaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.
Hay’addu waxay hore u sheegtay in mid ka mida ah maraakiibta shidaalku uu diray fariin degdeg ah, isagoo sheegay in markab uusan garanayn uu u soo dhowaaday, xilli uu dhanka galbeed uga safrayay Gacanka Cadmeed.
Ilaa hadda wax xog ah lagama hayo cidda iska leh ama aqoonsiga markabka iyo halka uu ku sugan yahay, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyadda dhacdada.
Waddooyinka muhiimka ah ee maraakiibta ee gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa waxaa ka jiray xiisado sii kordhaya kadib markii kooxda Xuutiyiinta Yemen ay bishii July ku dhawaaqday inay mamnuucayso maraakiibta xiriirka la leh Sacuudiga.