Xilli xaalad qoob-gariir ah ay ku jiraan daba-dhilifyada Soomaaliya iyo ciidamada Afrikaanta ee duullaanka saliibiga ah ku jooga dalka, ayaa dowladda Ingiriisku ay si cad u muujisay in ay kasoo hor-jeeddo sii-joogista ciidamada AUSSOM ee Soomaaliya.
Waxa loogu yeero Wasiirka Horumarinta iyo Afrika ee dowladda Ingiriiska oo ah haweenay lagu magacaabo Kirsty McNeill (Kiristi Makniil), ayaa dhawaan booqatay Muqdisho waxaanay kulamo deg-deg ah la yeelatay taliyaha ciidamada AUSSOM iyo mas’uuliyiinta xafiiska UNSOS.
Intii ay booqashada ku jirtay, waxa kale oo ay la kulantay murtad Gurguurte, waxayna ka wada hadleen xaaladda kala-guurka amni ee dul-hoganaya kooxda riddada Soomaaliya, xilli ciidamada Afrikaantu ay wajahayaan duruufo amni iyo kuwo dhaqaale oo aad u duran.
Waxay wasiiraddu u sheegtay Gurguurte in lama-huraan ay tahay, lana gaaray wakhtigii maleeshiyaadka riddadu ay la wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amniga ee kooxda Villa Soomaaliya, isla markaana ay dalka ka bixi lahaayeen ciidamada Afrikaanta ee isbahaysiga AUSSOM.
Waxa kale oo ay carrabka ku adkaysay in wixii haatan ka dambeeya taageerada dowladda Ingiriisku ku xirnaan doonto hadba sida ay mas’uuliyadda amniga Villa Soomaaliya ula wareegaan, maleeshiyaadka riddada ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale kalsoonida mustaqbalka iyo taageerada caalamka ee kooxda riddada ayuu Ingiriisku ka dhawaajiyey in ay sii socon karaan oo kaliya, haddii mas’uuliyadda amniga laga wareejiyo ciidamada Afrikaanta, laguna wareejiyo maleeshiyaadka riddada.
Hadalka UK wuxuu si weyn ugu dhow yahay fariin uu dhawaan jeediyay Taliyaha AFRICOM, taas oo muujinaysa in labada dal ee Maraykanka iyo Ingiriisku ay haatan xoogga saarayaan sidii ay maleeshiyaadka riddadu ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amnigooda, kadib fashilka ku yimid hawl-galka AUSSOM.
Dhawaaqan kasoo yeeray Ingiriiska ayaa kusoo aadaya xilli burbur iyo kala-yaac uu qarka u saaran yahay hawl-galka AUSSOM, kadib markii dhawaan Maraykanku si rasmiya u shaaciyey in gebi ahaanba dhammaadka sannadkan uu jaraayo taakulada uu siiyo ciidamada Afrikaanta ee duullaanka macatab-ku-dirirka ah ku joog dalka Soomaaliya.