Shacabka magaalada Muqdisho, ayaa billaabay in ay xabaalaha ka faagaan eheladooda oo sodomeeyo sano ka hor dhintay kadib markii kooxda Riddada ay cagaf gelisay qabuuro kuyaal degmada Yaaqshiid.
Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid, ayaa sheegaya in ehellada dad 30 sano ka hor lagu aasay qabuuro halkaasi kuyaal lagu amray inay lasoo baxaan lafaha dadkooda.
Kooxda Riddada ayaa tallaabadan qaaday markii ay cagaf iyo maleeshiyo ay usoo hubeysay dhul-boobka dul-dhigtay qabuurahaasi, muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muuninayay qoysaskan oo ku howlan faagista qabuuraha.
Dhanka kale, mid ka mid ah saraakiishka aadka ugu dhow Xassan Gurguurte, ayaa lagu eedeeyay in uu boqollaal qoysas ah ka barakiciyay guryahooda oo kuyaal xaafadda School Towfiiq ee mgaalada Muqdisho.
Xildhibaankan oo lagu magacaabo Yuusuf Kabaale, ayaa lasoo wariyay in uu xalay saq-barkii barakiciyay qoysas badan oo kunool xaafada School Towfiiq oo sidoo kale loo garan ogyahay Lamagalaay ee kutaal degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho, wuxuuna barakicintooda u adeegsaday sida la sheegay maleeshiyo badan oo murtadiin ah.
Maleeshiyada uu xildhibaankan watay ayaa la sheegay inay dadka shacabka ah ku weerareen guryahooda, weliba xilli ay dadku hurdeen, maleeshiyaadka ayaana lasoo wariyay inay shacabka ku qasbeen inay guryahooda ka baxaan, waxaana dumin lagu billaabay sida la sheegay guryahaasi.
Boqollaal boos ayay wararku sheegayaan inay ku yaallaan aagga dadka laga kiciyay, Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo maalmo ka hor loo diiday in uu gudaha u galo magaalada Nairobi, ayaa ka mid ah shakhsiyaadka ku dhow Xassan sheikh ee qaybta ka ah dhul-boobka xarkaha goostay ee ka socda magaalada Muqdisho.