Warbaahinta Faransiiska ee Africa Intelligence ayaa warbixin ay soo saartay ku iftiimisay walaac xooggan oo dalalka saliibiyiinta reer-galbeedku ka qabaan koboca awoodeed ee mujaahidiinta Al-Shabaab iyo quus ay ka muujiyeen kooxda riddada Soomaailya.
Africa Intelligence oo si gaar ah diiradda u saarta xogaha amni iyo siyaasadeed ee qaaradda Afrika ayaa warbixinteedan cusub oo ay baahisay Talaadadii shalay ku sheegtay in dalalka reer-gelbeedku ay si weyn uga niyad-jabeen xukuumadda uu gar-wadeenka ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Mujaahidiinta Al-Shabaab ayay warbixintu ku sifaysay kuwo aad u xooggan oo saamayn ballaaran ku leh gudaha caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, arrintaas oo ay sheegtay in werwer xooggan ay ka qabaan dalalka reer-galbeedku.
“Dalalka dhanka amniga ka cawaaiya dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan Maraykanka iyo dalalka Yurub ayaa hadda si weyn uga walaacsan awoodda iyo saamaynta ballaaran ee jihaadiyiinta Al-Shabaab…” ayaa lagu yiri warbixinta Africa Interlligence.
Dhanka kale, iyadoo fuuq-baxa millateri iyo mid dhaqaale oo aad u xooggan ay la kulmeen shisheeyaha kusoo duullay Soomaaliya, ayay warbixintu ka sanqarisay in dhabarka loo jeediyey kooxda riddada kadib markii laga rajo-dhigay in cagaheeda ay ku istaagto.
“Qaar ka mid ah diblomaasiyiinta ayaa u arka in iskaashiga amni ee dalalka reer-galbeedka iyo dowladda federaalka Soomaaliya uu gebi ahaanba meesha ka baxay, iyadoo Golaha Midowga Yurub uu dhammaadkii June go’aansaday inuu xaddido fiisooyinka Soomaaliya” Ayay tiri warbixintu.
Africa Intelligence ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in mar ay xiriir la samaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda saliibiyadda Maraykanka ay sheegtay in Washington ay si dhow ula socoto saamaynta Jihaadiyiinta ee kusii fidaysa gudaha Soomaaliya.
Wasaaradda Khaarajiga ee Maamulka Trump waxa kale oo ay ku nuuxnuuxsatay in taageerada caalamiga ah ee ay siiyaan Gurguurte iyo kooxdiisa ay ahaan doonto mid xaddidan ilaa inta ay jiraan ayay tiri, caqabadaha amni ee ku gedaaman kooxa Villa Soomaaliya.
Horraanta bishii July, ayay ahayd markii Washington ay si rasmiya u shaacisay in dhammaadka sannadkan ay gebi ahaanba jarayso taageerada dhaqaale iyo saad ee xafiiska UN-ka ee UNSOS usii marsiiso hawl-galka Midowga Afrika ee isbahaysiga AUSSOM.