Faahfaahinno ayaa kasoo baxaya dil saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug, halkaas oo maleeshiyo ka tirsan kuwa maamulka Riddada Deni ku beegsadeen sida la sheegay kooxo hubeysan oo xeebaha ka howlgala.
Weerarka maleeshiyada Deni ka gaysteen deegaanka Garacad waxaa inta la hubiyay ku dhintay hal qof oo magaciisa lagu sheegay Bile Galaal, kaasi oo dadka deegaanku ku sheegeen in uu ahaa nin ganacsade ah.
Maleeshiyada maamulka Deni, waxay sidoo kaale weerarkan ku qabteen sida la sheegay laba qof oo ka mid ah kooxaha maraakiibta ku qafaalata biyaha waqooyi bari Soomaaliya, wallow dadka deegaanku sheegeen in dadka la weeraray yihiin ganacsato.
Kooxaha hubeysan ee biyaha Soomaaliya ka howlgala ayaa horay u sheegay inay dhibaato kala kulmaan maraakiibta iyo doomaha shisheeye, kuwaas oo hor istaagay kalluumeysigooda.