
Boqollaal maleeshiyaad ah oo ka tirsan kuwa loogu yeero Asluubta Riddada, ayaa maanta waxay xirteen waddada aadda xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Maleeshiyadan oo hubeysnaa ayaa ilaalada waddadaasi hub ka dhigis ku sameeyay, waxayna isku fidiyeen waddada gasha xabsiga, halkaas oo ay haystaan muddo saacado ah.
Tallaabada maleeshiyadan, ayaa la xiriirta mushaar la’aan haysata muddo laba sannadood ah, waxayna sheegeen in muddadaasi aysan wax mushaar ah helin.
Waxay sheegeen in cabashadani tahay markii labaad oo ay warbaahinta soo hor istaagaan, codsiyadooda ayay sheegeen in aan looga jawaabin oo dhagaha laga fureystay.
Waxay ku goodiyeen inay ku biiri doonaan malaeeshiyaadka mucaaradka ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed haddii aysan kooxda Riddadu si deg deg ahuga jawaabin codsiyadooda.
Waa mid ka mid ah maleeshiyadii ugu badnaa oo mushaar la’aan ka cabanaya oo la wareegay mid ka mid ah waddooyinka Muqdisho, tirada maleeshiyadan ayaa lagu sheegay ilaa shan boqol oo askari.