Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee ka tirsan wilaayada Gedo. ayaa sheegya in saaka dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta ay ka dhaceen afaafka hore ee magaaladaasi.
Dagaallada oo ahaa kuwa culus oo lagu jebiyay maleeshiyaadka Riddada, ayaa xogaha soo baxay waxay si horudhaca ah u xaqiijinayaan in maleeshiyaadka Riddada looga dilay dagaalkii saaka looga dilay 9 askari, halka dhaawacana uu intaa ka badan yahay.
Sidoo kale, Ciidamada Mujaahidiintu waxay isla saaka weerar madaafiic ah ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtaadiinta ay ku leeyihiin degmada Baardheere, weli faahfaahin lagama helin inta uu gaariisan yahay khasaaraha ka dhashay weerarka madaafiicda ah.
La soco wixii kasoo kordha howlgalladan.