
Dagaallo culus oo lagu jebiyay maleeshiyaadka murtadiinta ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee magaalada Baardheere ee wilaayada Gedo, halkaas oo khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray maleeshiyaadka Riddada.
Dagaallada lagu jebiyay murtadiinta ayaa ku billowday kamiin ciidamada Mujaahidiintu meel aan sidaas uga fogayn magaalada Baardheere ugu dhigeen maleeshiyo murtadiin ah oo dhaqdhaqaaq ka waday halkaasi, kammiinka ayaa markii dambe isku baddalay dagaal fool ka fool ah oo ugu dambayntii lagu jebiyay Riddada.
Khasaaraha horudhac ah waa dhimashada 9 askari oo murtadiin ah iyo dhaawac intaas ka badan, murtadiinta lagu dilay dagaalka saaka waxaa ka mid ahaa Axmed Maxamed (Daari) Aadan Goobe iyo Uul, dagaallada maanta ka dhacay afaafka hore ee Baardheere ayaa daba socday weerarkii madaafiicda ee aroornimadii hore ee saaka ciidamada Mujahidiintu ku qaadeen xero murtadiinru kuleeyeen degmada Baardheere.
Halkan Ka Dhagayso Faahfaahinta.