Madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland murtad CabdiRaxmaan (Cirro), oo booqasho ku jooga carriga Maraykanka ayaa markii u horreysay si daah-furnaan ah u soo bandhigay qorshayaasha uu la maagan yahay deggaannada uu gacanta ku hayo ee waqooyi-galbeed Soomaaliya.
Waraysi cusub oo murtadkani isagoo ku sugan caasimadda Washington uu siiyey Shabakadda Yahuudda ee Ynet News, ayuu ku sheegay in maamulkiisu uu soo dhawaynayo joogitaan ciidan oo Yahuuddu ay ku yeelato gudaha Somaliland.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in mustaqbalka uu si weyn u rajaynayo in Sahaayinadu ay si rasmi ah uga hawl-gasho gudaha Somaliland, isagoo xusay in marnaba uusan ka hor imanayn in Maraykanka iyo Yahuuddu ay deggaan dhulka maamulkiisu uu gacanta ku hayo.
Murtad CabdiRaxmaan Cirro isagoo arrintan waxa uu yiri “Waxaan la shaqeyn doonnaa dal kasta oo saaxiib ah, waxaan u baahanahay shuraako dhinaca amniga ah, oo ay ku jirto Israa’iil. Kama hor imaanayo in Israa’iil ama Mareykanku ay halkan joogitaan ka sameystaan.”
Shabakadda Wararka ee Ynet News, ayaa sidoo kale sheegtay in ay heshay warar sheegaya in saraakiil amni oo ka tirsan maamulka Talaabiib ay booqasho ku tageen deggaannada uu ka arrimiyo maamulkka gaallo-raaca Soomaaliland.
Shirka Wadahadalka Bariga Dhexe iyo Mareykanka (MEAD) oo usbuucii lasoo dhaafay ka qabsoomay Washington ayuu Cirro ka sheegay in aqoonsigii Yahuudda kadib ay rajaynayaan in dalalka kalena ay qaadaan tallaabadaas oo kale oo ay ictiraafaan Somaliland.
Isagoo walaac muujinaya ayuu dhanka kale madaxa maamulka Hargeysa uu qiray in aqoonsiga Yahuuddu uu u soo jiiday cadow hor leh. Waxaanu yiri “Ma jiraan wax la helo oo bilaash, sidaas darteed aqoonsigaas awgiis waxaan yeelannay cadow cusub”
Waxa kale oo uu tilmaamay in tan iyo wixii ka dambeeyey aqoonsigaasi, ay fara-gelin amni oo aad u xooggani kaga socoto dhinacyada xuduud-beenaadyada, oo uu qiray in ay yihiin goobo ammaankoodu uusan sugnayn, sida tebisay Shabadda Yahuudda ee Ynet News.
Intii waraysiga uu ku gudo-jiray, Cirro waxa uu ka sanqariyey in dalalka Kenya iyo Itoobiya ay ka gaabsadeen cambaaraynta xiriirka Sahaayinada iyo Somaliland, isagoo dhanka kalena carrab-dhabay in ay socdaan wadahadallo qarsoodi ah oo lala leeyahay dalal kale, kuwaas oo uu saadaaliyey in laga yaabo in Somaliland ay aqoonsadaan.
Heshiiska Ibraahimiyada ee lagu caadiyeynayo xiriirka Yahuudda ayuu Cirro ka dhawaajiyey in ku biiristiisa ay Somaliland diyaar u tahay. Waxaanu yiri “Waxaan doonaynaa inaan qayb ka noqono Heshiisyada Ibraahimiyada. Sidaas ayaan ku yeelan doonnaa saaxiibo badan,”
Wadahadallada ka socda Washington ee ku saabsan suurta-galnimada in Maraykanku aqoonsado Somaliland, ayuu C/Raxmaan Cirro sheegay in weli ay socdaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in ilaa hadda uusan jirin wax ballan-qaad ah oo ay ka heleen maamulka Trump.
“Waxaa jira wadahadallo aan la leenahay Mareykanka, laakiin ma dhihi karo hadda waxaa jira wax ballanqaadyo Mareykan ah,” ayuu yiri C/Raxmaan Cirro isagoo u warramaya Shabakadda Yahuudda ee Ynet News.
Arbacadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii C/Raxmaan Cirro uu Washington ka sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in 2000 oo askari ay u dirto marinka Qaza, si ay ugu biiraan ciidamo caalamiya oo la doonayo inay ka qayb-qaataan barakicinta iyo isir-sifeynta ay Yahuuddu ka waddo dhulka barakaysan ee muslimiinta reer Falastiin.
Hadallada madaxa maamulka daba-dhilifka ah ee Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaallama Yemen ay sii xoojiyeen hawl-galladooda, isla markaana ay la wareegeen dhammaan jaziiradaha ugu muhiimsan ee laga maamulo marinka istaraatiga ah ee Baabul-mandeb.