Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Cirro Oo Sheegay Inuu Doonayo In Yahuuddu Joogtitaan Millateri Ku Yeelato Somaliland.
  • Allposts
  • Warar

Cirro Oo Sheegay Inuu Doonayo In Yahuuddu Joogtitaan Millateri Ku Yeelato Somaliland.

September 12, 2026

Madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland murtad CabdiRaxmaan (Cirro), oo booqasho ku jooga carriga Maraykanka ayaa markii u horreysay si daah-furnaan ah u soo bandhigay qorshayaasha uu la maagan yahay deggaannada uu gacanta ku hayo ee waqooyi-galbeed Soomaaliya.

Waraysi cusub oo murtadkani isagoo ku sugan caasimadda Washington uu siiyey Shabakadda Yahuudda ee Ynet News, ayuu ku sheegay in maamulkiisu uu soo dhawaynayo joogitaan ciidan oo Yahuuddu ay ku yeelato gudaha Somaliland.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in mustaqbalka uu si weyn u rajaynayo in Sahaayinadu ay si rasmi ah uga hawl-gasho gudaha Somaliland, isagoo xusay in marnaba uusan ka hor imanayn in Maraykanka iyo Yahuuddu ay deggaan dhulka maamulkiisu uu gacanta ku hayo.

Murtad CabdiRaxmaan Cirro isagoo arrintan waxa uu yiri “Waxaan la shaqeyn doonnaa dal kasta oo saaxiib ah, waxaan u baahanahay shuraako dhinaca amniga ah, oo ay ku jirto Israa’iil. Kama hor imaanayo in Israa’iil ama Mareykanku ay halkan joogitaan ka sameystaan.”

Shabakadda Wararka ee Ynet News, ayaa sidoo kale sheegtay in ay heshay warar sheegaya in saraakiil amni oo ka tirsan maamulka Talaabiib ay booqasho ku tageen deggaannada uu ka arrimiyo maamulkka gaallo-raaca Soomaaliland.

Shirka Wadahadalka Bariga Dhexe iyo Mareykanka (MEAD) oo usbuucii lasoo dhaafay ka qabsoomay Washington ayuu Cirro ka sheegay in aqoonsigii Yahuudda kadib ay rajaynayaan in dalalka kalena ay qaadaan tallaabadaas oo kale oo ay ictiraafaan Somaliland.

Isagoo walaac muujinaya ayuu dhanka kale madaxa maamulka Hargeysa uu qiray in aqoonsiga Yahuuddu uu u soo jiiday cadow hor leh. Waxaanu yiri “Ma jiraan wax la helo oo bilaash, sidaas darteed aqoonsigaas awgiis waxaan yeelannay cadow cusub”

Waxa kale oo uu tilmaamay in tan iyo wixii ka dambeeyey aqoonsigaasi, ay fara-gelin amni oo aad u xooggani kaga socoto dhinacyada xuduud-beenaadyada, oo uu qiray in ay yihiin goobo ammaankoodu uusan sugnayn, sida tebisay Shabadda Yahuudda ee Ynet News.

Intii waraysiga uu ku gudo-jiray, Cirro waxa uu ka sanqariyey in dalalka Kenya iyo Itoobiya ay ka gaabsadeen cambaaraynta xiriirka Sahaayinada iyo Somaliland, isagoo dhanka kalena carrab-dhabay in ay socdaan wadahadallo qarsoodi ah oo lala leeyahay dalal kale, kuwaas oo uu saadaaliyey in laga yaabo in Somaliland ay aqoonsadaan.

Heshiiska Ibraahimiyada ee lagu caadiyeynayo xiriirka Yahuudda ayuu Cirro ka dhawaajiyey in ku biiristiisa ay Somaliland diyaar u tahay. Waxaanu yiri “Waxaan doonaynaa inaan qayb ka noqono Heshiisyada Ibraahimiyada. Sidaas ayaan ku yeelan doonnaa saaxiibo badan,”

Wadahadallada ka socda Washington ee ku saabsan suurta-galnimada in Maraykanku aqoonsado Somaliland, ayuu C/Raxmaan Cirro sheegay in weli ay socdaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in ilaa hadda uusan jirin wax ballan-qaad ah oo ay ka heleen maamulka Trump.

“Waxaa jira wadahadallo aan la leenahay Mareykanka, laakiin ma dhihi karo hadda waxaa jira wax ballanqaadyo Mareykan ah,” ayuu yiri C/Raxmaan Cirro isagoo u warramaya Shabakadda Yahuudda ee Ynet News.

Arbacadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii C/Raxmaan Cirro uu Washington ka sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in 2000 oo askari ay u dirto marinka Qaza, si ay ugu biiraan ciidamo caalamiya oo la doonayo inay ka qayb-qaataan barakicinta iyo isir-sifeynta ay Yahuuddu ka waddo dhulka barakaysan ee muslimiinta reer Falastiin.

Hadallada madaxa maamulka daba-dhilifka ah ee Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaallama Yemen ay sii xoojiyeen hawl-galladooda, isla markaana ay la wareegeen dhammaan jaziiradaha ugu muhiimsan ee laga maamulo marinka istaraatiga ah ee Baabul-mandeb.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -01-Rabiicu-Thaanii-1448-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -01-04-1448 Hijri.

Related Stories

Qofkii Ugu Horreeyay Ee Cudurka Ebola Ugu Geeriyooday Kenya Oo La Shaaciyay.
  • Allposts
  • Warar

Qofkii Ugu Horreeyay Ee Cudurka Ebola Ugu Geeriyooday Kenya Oo La Shaaciyay.

October 10, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-04-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-04-1448-Hijri

October 10, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026

Sawirro

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada