Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhiillo colaadeed ay ka aloosantahay degmada Belexaawo ee kaabiga ku haysa xuduud beenaadka Itoobiya iyo Kenya.
Xiisadaha ayaa yimid kadib markii ay ciidamo katirsan maamulka ashahaadda ladirirka Jubbaland kasoo dhaqaaqeen Dooloow ayna soo gareen duleedka degmada arrinkaas oo sababay in maleeshiyaadka ku sugan Beledxaawo ay difaacyo qotaan.
Guddoomiyaha degmada Beledxaawo ugu magacaaban Kooxda Riddada Soomaaliya oo warbaahinta lahadlay ayaa qiray in xaalad halis ah ay ka jirto magaalada isagoo digniin udiray wasiirka ammaanka maamulka Axmed Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in labada dhinacya ee ku loollamaya gacan ku heynta Beledxaawo ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, wararka ayaa intaas ku daraya in uu fashil qarka usaaranyahay heshiis horay udhaxmaray Cabdirashiid Janan iyo Axmed Madoobe oo ku aadanaa in uu magaalada si nabad gelya ah ku wareejiyo.