Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay israsaaseyn maanta ka dhacday degmada Qardho ee gobolka Bari, halkaas oo ay dad shacab ah ku dileen maleeshiyada maamulka Ashahaada la dirirka ee uu hoggaamiyo Deni.
Israsaasayeynta ayaa ka dhacday gudaha degmada, waxaana ay dhexmartay maleeshiyada maamulkaasi iyo dad shacab ah, ugu yaraan hal qof ayaana ku dhintay weerarka oo shacab ah.
Ugu yaraan saddex qof oo kale ayaa lasoo wariyay inay ku dhaawacmeen weerarka, kuwaas oo ahaa shacab sida ay sheegeen wararka laga helayo magaaladaasi.
Israsaaseynta ka dib shacab aad u careysan ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada, kuwaas oo ka dhiidhinayay dilka bareerka ah ee ay maleeshiyada Deni u gaysteen shacabka.