
Isbedello dhanka maamulka ah ayaa lagasoo sheegayaa dhowr degmo iyo deegaanno katirsan gobolka Baay oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyaad daacad u ahaa Xasan Gurguurte iyo Aadan Madoobe.
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada daacadda u ah Laftagareen oo sheegta hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ay dib ula wareegeen gacan ku heynta degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiille ee ku dhaca duleedka magaalada Baydhabo.
Degmada Bardaale waxaa isaga baxay maamulkii hoostegayay Xasan Gurguurte kadibna waxaa si nabad gelya ah kula wareegay ciidamada daacadda u aha Laftagareen sida ay caddeynayaan muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Bardaale oo goob fagaare ah ka hadlay ayaa carrabaabay in ay dagaal la’aan kula wareegeen degmada islamarkaana ay ku dadaali doonaan sugidda ammaanka degmada wuxuuna eedayn culus ujeediyay dowladda dabadhilifka Turkiga oo bilihii lasoo dhaafay duqeymo culus ka geysanaysay duleedyada Baydhabo.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in degmada Diinsoor uu isaga baxay maamulkii taabacsanaa garabka Aadan Madoobe iyo Xasan waxaana shalay gelinkii dambe lawareegay ciidamo daacad u ah hoggaamiyaha maamulkii hore.
Khamiistii lasoo dhaafay ayuu dagaal khasaara badan dhaliyay ka dhacay Buurhakaba waxaana ugu dambeyn lawareegay magaaladaas ciidamo daacad u ah hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed.
Dhammaan degmooyinka gobolka Baay ayaa ka baxay gacanta Xasan Sheekh iyo xulufadiisa Turkiga marka laga reebo magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka.