Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxayaa qaraxyo dhowr ah oo ciidamada Mujaahidiintu ku beegsadeen kolonyo ka tirsan kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Uganda, kuwaas oo ka dhacay duleedka magaalada Buulo-mareer ee wilaayada shabeellada hoose.
Qaraxyadan oo Allah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayaa waxay sababeen khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo soo gaaray kolonyada ciidanka kufaarta Afrikaanta, waxaana inta la hubiyay ku dhintay 4 askari oo saliibiyiin Yugaandhees ah oo uu ku jiro sarkaal miina-baar ah, halka sidoo kalena lagu dhaawacay lix kale, gaari Tow ahna waa laga gubay kuffaarta.
Isla Sh/hoose, Qarax ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Marka ayaa lala eegtay fariisin ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Riddada, waxaana ku dhintay 2 askari oo murtadiin ah.
Dhanka kale, Ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Kuffaarta Kenya ka degganyihiin deegaanka Gisireeb ee hoostaga Ijaara ee gobolka Gaarisda ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.