Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Farmaajo Waa Maqaar Saar Marin Habaabin Ah W/Q C/llaahi Somaali.
  • Allposts
  • Warar

Farmaajo Waa Maqaar Saar Marin Habaabin Ah W/Q C/llaahi Somaali.

May 16, 2017

Baadida nin baa kula day dayi daalna kaa badane oon dooni hayn in aad heshaa daa’in abidkaaye.

Tuducyadaas abwaan soomaaliyeed ayaa horay u yiri waxayna ku fadhiyaan qeyma weyn maxaa yeelay waxaanu ka baraneynaa cashar intii fayow anfacaya.
Waxaa loosoo qaada karaa cid kastoo isku dayaysa in aad ku wiiqanto xaalad xun oo aad ku jirto isla markaana geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleysa in aadan ka bixin, geesta kalena bihinbis iyo beerlaxawsi aan uurka jirin kula dul hoganeysaa si aad ugu dhagranto oo aad ugu qaadato in ay guushaada iyo horumarkaada jeceshahay oo ay aayahaada ka shaqeynayso.
Maxaan ku tilmaami karnaa ninkii asigoo sheeganaay mas’uul soomaaliyeed hadana afka inoo saaraya tubta guul darrada si qolo kale oo lid nagu ah guusha u hanato?.
farmaajo (muwaadinka maraykanka ah ee jinsiyadiisii hore soomaali ahayd) ahna madaxweynaha dowladda federaalka ah ee shisheeyuhu danihiisa u dhistay, sow ma oran karno waa adeegaha gumeysiga deriska iyo midka caalamiga ah wuxuuna isku dayayaa in uu umadda soomaaliyeed ka dhaadhiciyo in uu u beer naxayo oo aayahooda iyo gobanimadooda difaacayo?.
Farmaajo miyaanuu ahayn ninkii markuu ra’iisalwasaaraha ahaa lahaa dagaalka aan muqdisho uga jiro waxaan ku difaacayaa New York (magaalo weyn oo maraykanka ka tirsan)?
Waxaanu leenahay waa asigii oo weli mabdii shalay iyo kuwo la mid ah ximbaarsan qorshihiisuna waxaa weeye in uu si daacadnimo ku dheehan tahay u gutto howshii loo xil saartay si mar kale loogu abaal mariyo in uu kursiga ku fariisto.
miyaanu ahayn ninkii markii madaxweynaha loo doortay lahaa dowladaha deriska ah ma fara gelidoono, taasoo micneheedu yahay dhulka iyo dadka soomaliyeed ee itoobiya iyo kenya haystaan dood kama qabo dalalkaas ayayna ka mid yihiin?.
Waa asigiii oo weliba ay u dheertahay in uu markaa kadib tegay labada dal ee gumeystayaasha ah ee kenya iyo itoobiya madaxdoodana kula soo heshiyay wada shaqeyn iyo in ay wada jir ula dagaalamaan mujaahidiinta soomaaliya ka jihaadaya ee doonaya in ay umadda ka dul qaadaan arxanlaayaasha gumeysiga ah iyo kaaliyaashooda ka dhigan eeyo lagu ugaaranayo.
miyaanuu ahayn ninkii maalintuu xilka la wareegayay fagaare uga dhawaaqay in ciidamada itoobiya, ugandha, burundi, kenya iyo itoobiya qaarkood naftooda u hureen oo u dhinteen umadda soomaaliyeed danteeda waa siduu warkuu dhigaye asigoo meesha ka saaraya in ciidamadaasu yihiin cadaw dalka iyo dadka iyo diinta jiritaankooda diidan, isla markaana qarinaya kumanaankii soomaalida ahaa ee ay xasuqeen?.
Waa asigii waxaanuu maray dariiqii kuwii asiga ka horeeyay ee sandareertada iyo jagada u xilanayay kalana ahaa xasan sheekh maxamuud, shariif sheekh axmed iyo cabdulaahi yuusuf axmed.
Miyaanuu ahayn ninkii safiirka maraykanka ee soomaaliya fadhiya uu gudoonsiiyay hadiyad uu soo dhiibay Donald trump madaxweynaha maraykanka ee cunsuriga ah kuna caan baxay islaam naceybka?
Waa asigii waxayna ila tahay in sababta hadiyadda siiyayu tahay in uu qabtay qayb ka mid ah shaqadii loo wakiishay sidaa aawgeedna uu abaal marin mudeystay lana damacsan yahay inta harsana in uu u tafa xeyto.
Qofka soomaaliga ah ee maskaxdiisu fayowdahay ee aan xiska laga biliqeysan wuxuu dareemayaa in ninka taangiga soo duulayaasha horarka ah saaranu yahay masaartii ama godontii gondihiisa iyo laf dhabartiisa lagu jari lahaa.
ugu dambeyn waxan oranayaa farmaajo waa maqaar saar marin habaabin ah taladuna ma ahan mid asiga go’da laakiin waa askari fuliya howshii loo diro, sidaa aawgeeed dadka soomaaliyeed waa in aanay ku dagmin ayna ogaadaan in asiga iyo hogaamiyaasha kale ee soomaalida ah ee shisheeyaha ku daaban u xilsaaran yihiin sidii soomaaliya u noqo lahayd meel reer galbeedku khayraadkeeda la baxo aakhirkana kenya iyo itoobiya si rasmi ah loogu qeybiyo.
Shareecada nin fowdiyo u qaba fin iyo boog daahay,
Ibliis furundugleyn baa arladi soo fakoocsaday’e,
fidma walaha soo fooganee faasaq iyo tuuga,
Fasaad iyo waxaa loo igmaday feyrus gaalnimo’e,
Fariidkiyo fogaan aragiyo weliba foolaadka,
Fahma qabaha waa diidayaa faalla bixiyaaye,
Fara gelin shisheeyuhu wadoow foox u shidayaaye,
Waa fanaan u heesoo kaloo una far jaawshaaye,
Shaarubada ninkaa firinayee farac maraykaana,
Fikradaha taraamuu sidaa oo fasaxayaaye,
Gobanimada uu sii fogeyn waa la soo furan’e,
Farmaajiyo intii raacda ee ficil yuhuudeed leh,
Waa in faasku gooyoo rasaas lagu faruuraaye.
Waxaa diyaariyaya Cabdulaahi soomaali

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Faahfaahin Laga Helayo Qarax Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay.
Next: Dhageyso Beesha Baada Cadde Oo Caleymo Saaratay Nabadoon Cusub.

Related Stories

Akhriso Xogta Sarkaal Ka Tirsan NISA Oo Maanta Lagu Qarxiyay Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Sarkaal Ka Tirsan NISA Oo Maanta Lagu Qarxiyay Muqdisho.

March 3, 2026
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus {Xalqada 13-aad}.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus {Xalqada 13-aad}.

March 3, 2026
Wasiir Ka Tirsan Kooxda Gurguurte Oo Eedayn Kulul Ujeediyay C/casiis Laftagareen.
  • Allposts
  • Warar

Wasiir Ka Tirsan Kooxda Gurguurte Oo Eedayn Kulul Ujeediyay C/casiis Laftagareen.

March 3, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada