Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dhageyso Shabaabul Mujaahidiin Oo Ka Tacziyeeyay Dadkii Ciidamada Mareykanka Ku Xasuuqeen Bariire.
  • Allposts
  • Warar

Dhageyso Shabaabul Mujaahidiin Oo Ka Tacziyeeyay Dadkii Ciidamada Mareykanka Ku Xasuuqeen Bariire.

August 26, 2017

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab ayaa ka hadashay falkii gumaadka ahaa ee ay habeenkii Jimcaha Mareykanku ka geysteen degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose kuna gumaadeen ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan caruur yar yar.

Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose Sh/Abuu Usaama oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa waxa uu ugu horreyn tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii ay Mareykanku gumaadeen iyo guud ahaan dadka muslimiinta ah ee ka xanuunsan dhacdadan foosha xun.

Tacsi kadib waxa uu Sheekhu ka dhawaajiyay in gumaadku shacabka Soomaaliyeed uu ahaa mid muddo sannado ah soo jiitamayay laakin waxa hadda cusub ay yihiin in lasii laba jibaaray iyo dowlad markii shacab la laayaba ku tilmaameysa in Al-Shabaab la laayay soona dhaweeneyso.

Sheekh Abuu Usaama wuxuu wax laga yaq-yaqsoodo ku tilmaamay wararkii dowladda kasoo baxay ee ku aadanaa qadiyaddan Bariire, gaar ahaan war-saxaafadeedkii Injineer Yariisow kasoo baxay ee lagu sheegayay in weerarkii Bariire lagu laayay rag Shabaab ah iyo sida ay taliyaashii war-saxaafadeedka ku jiray markii dambe u inkireen warka DF una sheegeen in dadka la gumaaday ay yihiin marras aan waxba galabsan, arrintanna waxay ku dhacday sida uu waaliga sheegay kadib markii dhacdadu qarsoomi weysay meydadkiina la geeyay magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii waxa uu mar kale u tacsiyeeyay ehelada dadkii sida gardarrada ah lagu dilay, wuxuuna guud ahaan ummada u dardaarmay in laga dhiidhiyo dhiigga dadka Muslimka Abriyada ah ee maalin walba sida uu kibirka iyo jees-jeeska ku dheehan yahay loo daadinayo, waxaana uu u mahad celiyay dhammaan dadkii arrintan ka dhiidhiyay islamarkaana dibad-baxyada ka dhigay duleedka Muqdisho.

Halkan Ka Degso Wareysiga Waaliga Shabeelaha Hoose Sh/Abu Usaama

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Diyaarad Mareykanka Uga Burburtay Dalka Yemen.
Next: Kheyre Oo Wasiiradiisa Ka Mamnuucay Isticmaalka Baraha Bulshada.

Related Stories

Dhagayso Andalus Oo Baahisay Waraysi Laga Qaaday Mid Ka Mida Maxaabiistii Lagu Qabtay Weerarkii Jameeco.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Andalus Oo Baahisay Waraysi Laga Qaaday Mid Ka Mida Maxaabiistii Lagu Qabtay Weerarkii Jameeco.

October 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-05-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-05-1448-Hijri

October 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-05-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-05-1448 Hijri.

October 27, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada