Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ciidamada Gaarka ah ee Maraykanka Oo Burbur Qarka U Saaran. (Warbixin)
  • Allposts
  • Warar

Ciidamada Gaarka ah ee Maraykanka Oo Burbur Qarka U Saaran. (Warbixin)

October 17, 2017

Wargeyska Confednesial Jornal oo kasoo baxa dalka Spain ayaa daabacay warbixin dheer oo uu kaga hadlayo dhibaatooyin soo food saaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Maraykanka, kuwaas oo weeraro qorsheysan ka fuliya wadamada dunida Muslimka sida Afqaanistaan, Soomaaliya, Suuriya, Yaman, Ciraaq iyo meelo kale.

Wargeyska ayaa sheegaya in ciidamadan tan iyo intii uu xilka qabtay Donald Trump oo lagu tilmaamo inuu  qabo cudurada dhimirka ah sida ay shsaaciyaan kumanaan dhakhaatiir Maraykan ah uu howlo cusub oo adag uu ugu daray shaqooyinkii ay horey u qaban jireen askartan.

Jornaalkan ayaa intaa ku daray in ciidamada gaarka ee Maraykanka ay soo wajahday taag darri iyo dacfi dhanka gudashada shaqooyinka ah, waxaana Ciidamadan ay awoodi waayeen iney iska difaacaan culeysyada soo wajahaya inta ay shaqooyinka ku jiraan gaar ahaan marka laga war helo weeraradooda oo ay fashil iyo khasaare la kulmaan, sida ka dhacdeyba Deegaanka Yaklaa ee dalka Yaman iyo Daaru-Salaam oo katirsan gobolka Shabeellaha hoose ee Soomaaliya.

Dhibaatooyinkaas soo wajahaya darteed iyo howlaha loo dirayo ciidamdan tan iyo markii uu xilka qabtay Trump ayaa ah sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya taag darrida Ciidamadan, Wargeyska oo soo xiganaya khubaro dhanka milliteriga iyo siyaasiyiin dalal kala duwan jooga ayaa sheegay in ciidamadan ay qarka u saaranyihiin in waqtiyada dhow ee soo socda burburaan.

Inkastoo ciidamadan ay weligoodba shaqeynayeen ayna fulin jireen weeraro ka dhaca dibadda, hadana arinta cusub ee uu Wargeysku sheegayo ayaa waxay tahay in sanadkii 2017 ay si xad dhaaf ah u kordheen weerarada ay ciidamadan qaadeen, intooga ugu badanna waxay kusoo dhamaadeen fashil, sida uu Wargeysku tibaaxayo.

Arimaha la yaabka leh waxaa kamid ah in lixdii bilood ee ugu dambeysay ee uu talada hayay Brack Obama ay ciidamada gaarka ah ee Maraykanku fuliyeen weeraro gaaraya 21 Weerar, halka lixdii bilood ee ugu horreysay ee uu talada hayay Donald Trump ay ciidamadan qaadeen 100 howlgal, taas oo shan jeer ku jibaaran howlgalladii dhacay lixdii bilood ee ugu dambeysay ee maamulka Barack Obama.

Inta ugu badan howlgalladan waxay ka dheceen Yaman, Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq, iyo Afqaanistaan, waxaana la dhihi karaa dhamaan howlgalladaas sidii loo rabay uma dhicn, qaarkoodna fashil iyo khasaare ayaa kasoo gaaray dowladda Maraykanka.

Tusaale ahaan weerarkii ka dhacay deegaanka Yaklaa ee dalka Yaman 29-kii Jannuary ee sanadkan, waxaa ciidamada Maraykanka kasoo gaaray khasaare culus, waxay qirteen in laga dilay hal Askari, balse waxaa dib laga ogaaday in dhimasho iyo dhaawac tobanaan gaaraya uu weerarkaas kasoo gaaray Maraykanka, waxaana dhulka lasoo dhigay labo diyuuradood oo nooca qaaliga ah, kuwaas oo ku fadhiya lacago gaaraya malaayiin dollar, waxaana fashilka weerarkaas uu dharbaxsho kulul ku ahaa Donald Trump.

4-tii May ee sanadkan 2017 ciidamo Maraykan ah ayaa duulaan kusoo qaaday deegaanka Daaru-Salaam ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana halkaas ka dhacay dagaal kulul oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwii Maraykanka ahaa, natiijada ka dhalatay dagaalkaasna waxay noqotay in Askari Maraykan ah lagu dilo oo dowladda Maraykanku qiratay, halka tiro kale oo dhaawacyo ahna ay jiraan, waxaana ciidamada Maraykanka ay goobta uga carareen qalab milliteri iyo mid caafimaad.

Alexendar oo ah Falanqeeye weyn oo uu soo xiganayo wargeyska qoray Warbixintan ayaa sheegaya in Taliyaasha ciidamada gaarka ee Maraykanka ay mar hore sheegeen dhibaatada ay leedahay weerarada joogtada ah ee ciidamadan ay qaadayaan, waxayna codsadeen inaan la bah dilin  ciidamadan oo ah kuwa uu ku faano Maraykanka marka xaaladaha halista ah ay soo wajahaan, balse dalabkooda madaxweyne Donald Trump dheg jalaq uma siinin, waxayna hadda ciidamadan dareemayaan tayo dari dhanka howsha ah iyo tiro yari soo wajahday.

Sida uu Wargeysku sheegayo halkii laga rabay in tirada ciidamadan la kordhiyo,  taas bedelkeeda uu Aqalka Cad kordhiyay howlaha ay qabanayaan ciidamadan iyo miizaniyada ku baxeysa.

Laakiin taag darida ciidamadan Maraykanka uu ku faano ma ahan mid soo billaabatay oo keliya markii uu talada la wareegay Donald Trump, hayeeshee waxay ahayd mid horey usoo jiitameysay, sanadkii 2013 Willium Macrofin oo ahaa taliyaha ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada gaarka ee Maraykanka ay hoos u dheceen. Sanadkii 2015 Jeneral Jozev oo uga dambeeyay jagadan ayaa Aqalka Congreska ka hor sheegay in “Askarta ciidamada gaarka ah ee Maraykanka iyo qoysaskooda ay ku noolyihiin xaalad liidata iyo isku dhex yaac aan horay loo arag.

Ugu dambeyn wuxuu Wargeyska Confednesial ee kasoo baxa dalka Spain uu sheegayaa in Donald Trump uu xooga saarayo adeegsiga Awoodda maadaama uu yahay nin cunsuri ah, waxaase muuqanaya in uu isbadal sameyn doono xili ay midi caloosha uga tagtay oo uu ku khasaaray miisaanidda  9%ka ah ee ciidanka.

Xigasho Radioalfurqaan.com

Calamada.com

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Faahfaahin Laga Helayo Dagaal Ka Dhacay Degmada Afgooye.
Next: Weeraro Ka Dhacay Qeybo Ka Mid Ah Dalka Maali.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-02-1447-Hijri.

August 14, 2025
Mucaaradka Oo Xaqiijiyay Inay Fashil Kusoo Dhamaadeen Kulamadii Ay La Yeesheen Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Mucaaradka Oo Xaqiijiyay Inay Fashil Kusoo Dhamaadeen Kulamadii Ay La Yeesheen Gurguurte.

August 14, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-02-1447 Hijri.

August 14, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada