Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ciidamada Gaarka ah ee Maraykanka Oo Burbur Qarka U Saaran. (Warbixin)
  • Allposts
  • Warar

Ciidamada Gaarka ah ee Maraykanka Oo Burbur Qarka U Saaran. (Warbixin)

October 17, 2017

Wargeyska Confednesial Jornal oo kasoo baxa dalka Spain ayaa daabacay warbixin dheer oo uu kaga hadlayo dhibaatooyin soo food saaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Maraykanka, kuwaas oo weeraro qorsheysan ka fuliya wadamada dunida Muslimka sida Afqaanistaan, Soomaaliya, Suuriya, Yaman, Ciraaq iyo meelo kale.

Wargeyska ayaa sheegaya in ciidamadan tan iyo intii uu xilka qabtay Donald Trump oo lagu tilmaamo inuu  qabo cudurada dhimirka ah sida ay shsaaciyaan kumanaan dhakhaatiir Maraykan ah uu howlo cusub oo adag uu ugu daray shaqooyinkii ay horey u qaban jireen askartan.

Jornaalkan ayaa intaa ku daray in ciidamada gaarka ee Maraykanka ay soo wajahday taag darri iyo dacfi dhanka gudashada shaqooyinka ah, waxaana Ciidamadan ay awoodi waayeen iney iska difaacaan culeysyada soo wajahaya inta ay shaqooyinka ku jiraan gaar ahaan marka laga war helo weeraradooda oo ay fashil iyo khasaare la kulmaan, sida ka dhacdeyba Deegaanka Yaklaa ee dalka Yaman iyo Daaru-Salaam oo katirsan gobolka Shabeellaha hoose ee Soomaaliya.

Dhibaatooyinkaas soo wajahaya darteed iyo howlaha loo dirayo ciidamdan tan iyo markii uu xilka qabtay Trump ayaa ah sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya taag darrida Ciidamadan, Wargeyska oo soo xiganaya khubaro dhanka milliteriga iyo siyaasiyiin dalal kala duwan jooga ayaa sheegay in ciidamadan ay qarka u saaranyihiin in waqtiyada dhow ee soo socda burburaan.

Inkastoo ciidamadan ay weligoodba shaqeynayeen ayna fulin jireen weeraro ka dhaca dibadda, hadana arinta cusub ee uu Wargeysku sheegayo ayaa waxay tahay in sanadkii 2017 ay si xad dhaaf ah u kordheen weerarada ay ciidamadan qaadeen, intooga ugu badanna waxay kusoo dhamaadeen fashil, sida uu Wargeysku tibaaxayo.

Arimaha la yaabka leh waxaa kamid ah in lixdii bilood ee ugu dambeysay ee uu talada hayay Brack Obama ay ciidamada gaarka ah ee Maraykanku fuliyeen weeraro gaaraya 21 Weerar, halka lixdii bilood ee ugu horreysay ee uu talada hayay Donald Trump ay ciidamadan qaadeen 100 howlgal, taas oo shan jeer ku jibaaran howlgalladii dhacay lixdii bilood ee ugu dambeysay ee maamulka Barack Obama.

Inta ugu badan howlgalladan waxay ka dheceen Yaman, Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq, iyo Afqaanistaan, waxaana la dhihi karaa dhamaan howlgalladaas sidii loo rabay uma dhicn, qaarkoodna fashil iyo khasaare ayaa kasoo gaaray dowladda Maraykanka.

Tusaale ahaan weerarkii ka dhacay deegaanka Yaklaa ee dalka Yaman 29-kii Jannuary ee sanadkan, waxaa ciidamada Maraykanka kasoo gaaray khasaare culus, waxay qirteen in laga dilay hal Askari, balse waxaa dib laga ogaaday in dhimasho iyo dhaawac tobanaan gaaraya uu weerarkaas kasoo gaaray Maraykanka, waxaana dhulka lasoo dhigay labo diyuuradood oo nooca qaaliga ah, kuwaas oo ku fadhiya lacago gaaraya malaayiin dollar, waxaana fashilka weerarkaas uu dharbaxsho kulul ku ahaa Donald Trump.

4-tii May ee sanadkan 2017 ciidamo Maraykan ah ayaa duulaan kusoo qaaday deegaanka Daaru-Salaam ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana halkaas ka dhacay dagaal kulul oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwii Maraykanka ahaa, natiijada ka dhalatay dagaalkaasna waxay noqotay in Askari Maraykan ah lagu dilo oo dowladda Maraykanku qiratay, halka tiro kale oo dhaawacyo ahna ay jiraan, waxaana ciidamada Maraykanka ay goobta uga carareen qalab milliteri iyo mid caafimaad.

Alexendar oo ah Falanqeeye weyn oo uu soo xiganayo wargeyska qoray Warbixintan ayaa sheegaya in Taliyaasha ciidamada gaarka ee Maraykanka ay mar hore sheegeen dhibaatada ay leedahay weerarada joogtada ah ee ciidamadan ay qaadayaan, waxayna codsadeen inaan la bah dilin  ciidamadan oo ah kuwa uu ku faano Maraykanka marka xaaladaha halista ah ay soo wajahaan, balse dalabkooda madaxweyne Donald Trump dheg jalaq uma siinin, waxayna hadda ciidamadan dareemayaan tayo dari dhanka howsha ah iyo tiro yari soo wajahday.

Sida uu Wargeysku sheegayo halkii laga rabay in tirada ciidamadan la kordhiyo,  taas bedelkeeda uu Aqalka Cad kordhiyay howlaha ay qabanayaan ciidamadan iyo miizaniyada ku baxeysa.

Laakiin taag darida ciidamadan Maraykanka uu ku faano ma ahan mid soo billaabatay oo keliya markii uu talada la wareegay Donald Trump, hayeeshee waxay ahayd mid horey usoo jiitameysay, sanadkii 2013 Willium Macrofin oo ahaa taliyaha ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada gaarka ee Maraykanka ay hoos u dheceen. Sanadkii 2015 Jeneral Jozev oo uga dambeeyay jagadan ayaa Aqalka Congreska ka hor sheegay in “Askarta ciidamada gaarka ah ee Maraykanka iyo qoysaskooda ay ku noolyihiin xaalad liidata iyo isku dhex yaac aan horay loo arag.

Ugu dambeyn wuxuu Wargeyska Confednesial ee kasoo baxa dalka Spain uu sheegayaa in Donald Trump uu xooga saarayo adeegsiga Awoodda maadaama uu yahay nin cunsuri ah, waxaase muuqanaya in uu isbadal sameyn doono xili ay midi caloosha uga tagtay oo uu ku khasaaray miisaanidda  9%ka ah ee ciidanka.

Xigasho Radioalfurqaan.com

Calamada.com

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Faahfaahin Laga Helayo Dagaal Ka Dhacay Degmada Afgooye.
Next: Weeraro Ka Dhacay Qeybo Ka Mid Ah Dalka Maali.

Related Stories

Xog Laga Helay Halka Uu Isku Qarinayo Madaxweynaha Dalka Maali.
  • Allposts
  • Warar

Xog Laga Helay Halka Uu Isku Qarinayo Madaxweynaha Dalka Maali.

April 28, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -11-Dulqicdah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -11-Dulqicdah-1447-Hijri

April 28, 2026
Deni Oo Shaaciyay Go’aanka Maamulkiisa Kaddib 15-ka May.
  • Allposts
  • Warar

Deni Oo Shaaciyay Go’aanka Maamulkiisa Kaddib 15-ka May.

April 28, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada