Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Mareykanka Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Awooda Iyo Howlgalada Mujaahidiinta Yemen.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Mareykanka Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Awooda Iyo Howlgalada Mujaahidiinta Yemen.

January 10, 2018

Maraykanka ayaa weli faraca mujaahidiinta Alqaacida ee Jaziiradda carabta u arka inuu yahay mid ugu halista ugu badan ee xagga amaanka ah ku haya danaha dowladooda iyo amniga gudaha ee wadanka Mareykanka.

Warbixin uu soo daabacay wargeyska Newyork Times oo ka mid ah joornaalada ugu afka dheer ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa isagoo soo xiganaya saraakiil sar sare oo Maraykan ah hoosta ka xariiqay in faraca mujaahidiinta Alqaacida ee Jaziirada carabta uu weli yahay midka halista ugu badan ku haya danaha Mareykanka iyo amniga gudaha ee Mareykanka.

“Dowladda Maraykanka waxay sanadkii dhamaaday 2017-ka qaaday weeeraro dhanka hawada ah oo saddex jeer ku laba jibaarma kuwii ay fulisay sanadkii hore,  kuwaas oo ay ku qaaday dagaalyahannada Alqaacida ee Jaziiradda Carabta, iyadoo ay saas tahay, mas’uuliyiinta la dagaalanka Argagaxisada iyo saraakiisha arimaha sirdoonka Marayknka waxay qirayaan in duqeymahaas aysan waxba ka bedelin awooda uu weli ururku u leedahay beegsashada danaha Maraykanka” ayaa lagu yiri warbixin lagu soo daabacay Newyork Times.

Niclos Rasmosan oo dhawaan laga casiley xilka maamulaha xarunta la dagaalanka Argagaxisada ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in weli ay dhibaato uga imaaneyso Yaman, wuxuuna yiri: “weli ma dareemeyno inaan soo afjarnay  dhibaatada nooga imaaneysa Yaman, weli wuxuu dalkan yahay mid ka mid ah wadamada ugu adag ee aysan howsha la dagaalanka Argagaxisada ku guuleysan.”

Wargeyska Newyork Times wuxuu xaqiijiyey in howlgallada Maraykanku ka wado dalka Yaman ay sii laba jibaareen dhibaatada iyo macluusha ay la daala dhacayaan shacakba dhiban ee dalkaas, kaas oo la kulmaya shirqoollo iyo dabin-daabyo kaga imaanaysa dhinacyo kala duwan.

Waxaa dalkan ka socoda olole dagaaleed uu ku dhawaaqay isbaheysi dowlado carbeed ah oo uu hogaaminayo Sacuudiga, kaas oo sheegta inuu la dagaalamayo malleeshiyaadka xuuthiyiinta balse diyaaradihiisu si indha la’aan ah u beegsadaan shacabka muslimka ah, iyo xitaa Mujaahidinta ku mashquulsan ka hortagga duullaanka Xuuthiyiinta rawafida ah.

Sanadkii 2015-kii, waxay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen magaalooyin muhiim ah oo ay ku jirto magaalada Mukallah ee caasimadda gobolka Xadramowt halkaas oo ay ka taageen maamul islaami ah oo dadka ku maamula sharecada islaamka, soona celiyey nabadgeliyadii iyo kala dambeyntii, balse Maraykanka wuxuu arintaas u arkay halis hor leh oo ku timid danihiisa gaarka ah ee wadanka, wuxuuna qaaday xamlo dhanka  cirka ah oo uu ku beegsanayo Mujaahidiinta taas oo gallaafatay nolosha saraakiil sar sare oo katirsan mujaahidiinta.

Maraykanka ayaa sheegaya in tan iyo February  ay dalka Yaman ka fuliyeen 130 duqeyn, taas oo aad uga badan tirada duqeymihii ay fuliyeen diyaaradaha Maraykanka sanadkii 2016-ka.

Warbixinta wargeyska Newyork Times uu daabacay waxay sheegeysaa in Mujaahidiinta Alqaacidada ee Yaman ay ku faafsan yihiin guud ahaan gobollada Yaman, waxayna Alqaacida ku guuleystay bey tiri iney soo saarto maadooyin  hormarsan oo laga sameeyo walxaha qaraxa, oo ay adag tahay sida ay ku hor istaagaan qalabyada amni ee yaalla garoomada diyaaradaha ee wadamada reergalbeedka.

In ka badan saddex mar ayay mujaahidiinta Alqaacida isku dayeen iney qarxiyaan diyaaradaha Maraykanka sida wargeysku sheegayo, inkastoo sidii la rabay aysan wax u dhicin hadana waxay isku dayadaas ku qasbeen maraykanka in lacago dheeraad ah oo aad u fara badan ku bixiyaan lwaxay ugu yeeraan la dagaalanka argagaxisada.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegaya in sirdoonka Mareykanka aysan ilaa hadda u suuragalin khaarijinta Ibraahim Al-Caseyri oo qaa’id ka tirsan Mujaahidiinta Al-Qaacida oo ay u arkaan in uu yahay khabiirka xagga qaraxyada u qaabilsan Mujaahidiinta, sidoo kalena soo saara jiilal cusub oo xirfadahaas loo diyaariyey.

Waxay Saraakiisha Mareykanku tilmaamayaan in “mid ka mid ah ragga ugu caansan miinooyinka iyo qaraxyada oo ah Ibraahim Xasan Al-Casiiri uu weli heysto xuriyad ku dhaq-dhaqaaqo kuna sameeyo qaraxyada halista gelin kara amniga wadamada reergalbeedka.

David Betrayos oo ah madaxii hore ee sirdoonka Maraykanka ayaa shir looga hadlayo arimaha amaanka oo dhacay bishan wuxuu yiri: “weli ninka ugu halista badan caalamka waa xur”, wuxuuna ula jeedaa Ibraahim Xasan Al-Casiiri.

Safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Yaman oo lagu magacaabo Gerald Feuerstein oo la Hadley wargeyska ayaa sheegay in Mareykanka ay ku adag tahay kala soocida mujaahidiinta iyo dadka shacabka ah marka laga hadlayo duqeymaha uu ka fuliyo gudaha dalka Yemen, Isagoo dhanka kalena walaac ka muujiyey in Mujaahidiintu ay taageero xoogan ku kasbadaan weerarada cashwaa’iga ah ee ay fulinayaan diyaaradaha Mareykanka.

Wariye lagu magacaabo Ibraahim Al-yaafici oo yamani ah ayaa dhawaan sheegay in diyaaradaha Maraykanka ay duqeeyeen dhalinyarada qabaa’ilka ee dagaalka kula jira maleeshiyaatka Xuuthiyiinta, taas oo ah duullaan muuqda oo Mareykanka uu ku hayo dhalinyarada qabaa’ilka ee la dagaalamaya Xuuthiyiinta, uuna dhanka kale taageero siinayo maleeshiyaatka rawaafida ah.

Wuxuu taqriirku soo muujinayaa kaalinta Imaaraatka uu ku leeyahay dagaalka ka socoda Yaman, iyadoo garab taagan Maraykanka, waxaana malleeshiyaadka uu Imaaraatku tababaray ay qaadaan weeraro ka dhan ah Mujaahidiinta, balse Mujaahidiinta oo ka warcelinaya talaabooyinkaas guracan ayaa iyagana dhankooda bilaabay in ay qaadaan weeraro lagu ugaarsanayo maleeshiyaatkaas murtadiinta, waxayna dhowrjeer fuliyeen silsilado weeraro ah oo si gaar ah u beegsanaya maleeshiyaatka uu soo tababaray Imaaraadka sida lagu soo bandhigay xalqaadkii ugu dambeyey ee isdaarka taxanaha ah ee “Raddul Cudwaan.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Hilwaa Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday.
Next: Ganacsato Somali Ah Oo Markale Lagu Weeraray Dalka Konfur Afrika.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 03-01-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 03-01-1447-Hijri.

June 28, 2025
Qarax Ka Dhacay Baardheere Iyo Askari Lagu Dilay Beledweyne.
  • Allposts
  • Warar

Qarax Ka Dhacay Baardheere Iyo Askari Lagu Dilay Beledweyne.

June 28, 2025
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 03-01-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 03-01-1447 Hijri.

June 27, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)

June 20, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)

June 16, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada