Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dowlada Itoobiya Oo Yeelatay R/wasaare Maqaar Saar Ah.
  • Allposts
  • Warar

Dowlada Itoobiya Oo Yeelatay R/wasaare Maqaar Saar Ah.

March 28, 2018

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa yeelatay Hoggaan cusub kadib khalalaase dhanka siyaasadda ah oo sanadihii lasoo dhaafay ka jiray inta badan wadanka oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Xizbiga Talada Haya ee Wadanka Ethiopia ayaa doortay R/wasaare cusub oo uu wadanka Yeesho kadib is casilaadii Hailemariam Desalegn

Habeenimadii xalay ahayd ayaa lagu dhawaaqay in R/wasaare loo Magacay Abey Axmed Cali oo kasoo Jeeda Qowmiyada Oromada ee degta Ethiopia.

Kulamo is daba joog ah oo soo bilawday 11-ka bishan aan ku jirno ee Maarso soona Gabagaboobay habenkii xalay ayay axzaabta 4ta ah ee ku midaysan xisbiga haya talada wadanka Etoobiya ee lagu magacaabo EPRDF waxay Doorteen R/wasaaraha cusub ee wadanka hogaamin doona marxalada soo socota.

Abeey Axmed ayaa uga guuleystay Musharaxiiintii la tartameysay codad gaaraya ilaa 108, halka musharaxa isaga kusoo xigay uu hela 59 cod kaliya.

Ninkan loo magacaabay madaxa golaha wasiirrada waa 42 sano jir soo qabtay shaqooyin kala duwan, waxa uuna heystaa Darajada Korneel oo Militaryga Ethiopia uu kusoo qaatay, sidoo kale wuxuu dowr asaasi ah kulahaa dhismaha Wakaalada sirdoonka Xabashida Itoobiya.

Inkasta oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo qawmiyaha Oromada ee Muslimiinta ah, hada isaga waxaa iska dhalay aabe Muslim ah iyo hooyo Kirishtan ah, Wuxuu kamid ahaa siyaasiyiintii ay saaxiibada dhaw ahaayeen Males Zenaawi R/wasaarihii halaagsamay ee Itoobiya kaas oo taariikh u lahaa dagaalka ka dhanka ah muslimiinta Bariga qaaradda Afrika.

Abeey Axmed R/wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa sanaddii 2007 illaa 2010 wuxuu ahaa Taliyaha ciidamada Saliibiyiinta Itoobiya waana Ninkii maamulayay duullaankii ciidamada Xabashidu ay kusoo qaadeen dalka Soomaaliya.

Taariikh Nololeedka R/wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Wuxuu dhashay sanaddii 1976 wuxuu kasoo jeedaa Qowmiyadda Oromada oo badankeed ah muslimiin waa siyaasi ay siyaasadda islasoo galeen rag ubadan Tigree iyo Amxaaro.

Wuxuu ahaa gacanta midig ee Males Zenaawi balse sanaddii 2016 illaa 2017 ayuu hoggaamiyay sirdoonka dowladda Itoobiya oo uu mas’uul ka ahaa gummaadkii lagula kacay muslimiinta kacdoonka ka dhigayay gobollada kala duwan ee wadankaasi.

22 Feb 2018 waxaa loo doortay inuu gudoomiye ka noqdo (Ururka Dimoqraadiga Shacabka Oromo) isagoo badalay gudoomiyihii hore ee ururka Lemma Megerssa, ugu danbeyna xalay ayaa loo doortay inuu Noqdo Gudoomiya xizbiga EPRDF ee talada wadanka haya.

Warbaahinta ayaa sheegaysa in doorashada Ninkan ay ka dhigantahay in markii ugu horraysay uu wadanka madax ka noqdo Nin kasoo jeedo qowmiyadda Oromada oo ah dadka ugu badan ee wadanka dega waxaana kusoo xiga Amxaarada, labadan qowmiyadoodna waxay kacdoon saameyn badan reebay kula jiraan taliska Addis Ababa kajira.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in sababta R/wasaare loogu doortay Nin kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ay tahay in lagu damiyo kacdoonka ay muslimiintu ka dhigayaan Gobolka Oromiya.

Awoodaha fulinta ee ugu muhiimsan dowladda Itoobiya waxaa gacanta ku haya qowmiyadaha Tigreega, tusaale ahaan 97% saraakiisha ciidamada melleteriga iyo sirdoonka waxay kasoo jeedaan qowmiyadda Tigreega oo 25-kii sanadood ee lasoo dhaafay wadanka maamulaysay.

Waxaa loo badinayaa in wax isbedel ah uusan R/wasaarahan cusub kusoo kordhin saaxada siyaasadda Itoobiya marka loo eego kacdoonnada socda iyo shakhsiyadiisa oo ah Nin jeebka ugu jiray Nidaamka Tigreega ee wadanka ku amar-taagleenaya.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Akhriso Ku Dhawaad 30 Askari Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Beledweyne.
Next: R/wasaaraha Yahuuda Oo Isbitaal Loola Cararay.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.

January 19, 2026
Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay In Uu Joojin Doono Taakuladii Uu Siin Jiray Maleeshiyada Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay In Uu Joojin Doono Taakuladii Uu Siin Jiray Maleeshiyada Gurguurte.

January 19, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-07-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-07-1447-Hijri

January 18, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada