Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maxbuus Ka Soo Baxay Guwantanamo Iyo Askarigii Tacdiibin Jiray Oo Ku Kulmay Xeerada Afurka!! Sheeko Cajiib ah.
  • Allposts
  • Warar

Maxbuus Ka Soo Baxay Guwantanamo Iyo Askarigii Tacdiibin Jiray Oo Ku Kulmay Xeerada Afurka!! Sheeko Cajiib ah.

May 22, 2018

Steve wood waa askari Ameerikaan ah oo isaga kala gudbay saldhigyada milliteriga Maraykanku ku leeyahay gudaha wadankaas iyo caalamka, Muxamadu Walad Salaaxina waa qof dhalinyaro Murutaaniyaan ah oo degan xaafadda Toojnin oo kamid ah xaafadaha ugu liita ee magaalada Nuwaakshoodh.

11-kii Novembar sanadkii 2001, cutubyo katirsan ciidamada amaanka ee Murutaaniya ayaa soo gaaray guriga uu deganaa Muxamadu Walad Salaaxi, waxayna ka codsadeen inuu u raaco safar gaaban oo dhowr saacadood qaadanaya.

Maalintaas waxay ku aadneyd 4-ta bisha Ramadaan, wuxuuna markaas Muxamadu kasoo laabtay madaxtooyada dowladda, halkaas oo uu ka ahaa Injineer habeeya warbixinnada, madaxweynihii xilligaas ee Murutaaniyana aad ayuu uga heli jiray qaab maamulkiisa.

Nasiib darro Muxamadu dib uma soo laaban, dowladda Murutaaniyana waxay u gacan gelisay Maraykanka, waxaana u billowday nolol cusub oo ka kooban argagax, tacdiib iyo jirdil joogta ah, isagoona isaga kala gudbay Urdun, Afqaanistaan, illaa ugu dambeyn uu saldhigtay jaxiimada Guwantanamo.

Sannooyin xiriir ah ayay ciidamada Maraykanku tacdibiinayaan Maxamadu, wuxuuna jirkiisa la qabsaday garaacista iyo darbeynta, ciidamada ilaalada xabsigana waxay isku mada daalin jireen inay ka mamnuucaan hurdada, kuna qeyliyaan, sidoo kalena ku jees jeesaan diinta Islaamka, iyagoo mararka qaar ugu hanjabaya iney soo qafaali doonaan hooyadii, halkannaa ku kufsan doonaan.

Sanado kahor ayuu Muxamadu Walad Salaaxi baahiyay kitaab yar oo uu kaga hadlay xusuustiisii Guwantanamo, kaas oo sameeyay hadal heyn ballaaran oo gudaha iyo caalamkaba ah, inkastoo ka hor inta aanu soo bixin kitaabka ay soo tifaftirtay dowladda Murutaaniya, xaqiiqana ay tahay in waxyaabo badan laga tiray.

Wuxuu ciwaan uga dhigay kitaabkiisa “Nolol maalmeedkii Guwantanamo”, isagoona ku qoray luuqadda Englishka oo uu soo bartay intii uu ku xirnaa Guwantanamo.

Ugu yaraan 20 wadan ayuu kitaabkan ku faafay, waxaana uu si qota dheer diiradda u saarayaa dhibaatada qabsatay wiilkan dhalinyarada ah oo ay dhiibtay dowladda Murutaaniyah, Masaarida, Urdun iyo Maraykankuna si xun u tacdiibiyeen.

Wuxuu gudaha buugan uu Muxamdu Walad ku tamaninayaa inuu laqaato fadhi aan tacdiibin jirin kuwii sanadaha badan xiray, dhabtiina way u suuragashey, wuxuuna maalmo kahor saxaraha Murutaaniyah kula kulmay Steve Wood oo kamid ahaa ilaalada xabsiga Guwantanamo.

Saxaraha waasac ah ee aysan jirin derbi iyo siligyo ku wareegsan ayay labadan ruux oo aad u kala fogaa ku kulmeen, halkaas ayayna si wadajir ah ugu afureen.

Markii Muxamadu Walad la xirayay, wuxuu Steve Wood ku sugnaa  saldhig Maraykanku ku leeyihiin Masar, ugu dambeyna waxaa Steve lagu wargeliyay in loo bedelayo Guwantanamo si uu waardiye uga noqdo qolka 760-aad oo Maraykanku sheegeen iney ku xiranyihiin dad muhiim ah.

Qof la dhashey Muxamadu Walad ayaa sheegaya in  walaalkii iyo Steve Wood ay halkaas ku dhexmartay sheeko gaaban, mid welibana uu isku dayay inuu kan kale soo jiito, oo uu ku qanciyo diintiisa, balse ludhfiga Alle ayaa hareeyay waardiyihii gaalka ahaa, halkaas ayuuna ku islaamay.

Steve wuxuu sheegayaa in sababta ugu weyn ee ku riixday inuu qaato diinta Islaamka ay ahayd markii uu arkay sida maxaabiista iyagoo ku jira xaalad adag hadana ugu dheganyihiin diintooda, una ilaashanayaan akhlaaqdooda.

Muxamed Waladu Salaaxi ayaa bartiisa Twitterka wuxuu ku baahiyay sawirrada isaga iyo Steve Wood oo wada afuraya, wuxuuna yiri “ aniga iyo waardiyaha jeelkii aan ku xirnaa Steve Wood oo si wadajir ah u afureyna”.

Waa qiso cajiib ah iyo sheeko dhab ah oo muujineysa miraha sabarka, iyo sida shaqsiga muslimka ah dhibaato kasta oo uu ku jiro hadana uu awood ugu leeyahay inuu faafiyo diinta Islaamka.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dagaalka Ka Socda Magaalada Darnah Oo Sii Xoogeystay.
Next: Dhageyso: Darsiga Shanaad Ee Kitaabka Akhlaaqu Salaf.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri

April 21, 2026
Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.
  • Allposts
  • Warar

Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.

April 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.

April 21, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada