Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Askar Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Baar-sanguuni.
  • Allposts
  • Warar

Askar Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Baar-sanguuni.

July 3, 2018

Dagaal u dhexeeya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa goordhow kusoo gebe-geboobay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo fariisin u ah ciidamo Maraykanku gadaal ka riixayo.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, in muda ah socday waxaa khasaare lagu gaarsiiyay malleeshiyaadka Maraykanku wato ee halkaas jooga, waxaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gacnta ku dhigeen hub kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ugu yaraan Saddex askari oo ka tirsan malleeshiyaadka Maamulka Murtad Axmed Madoobe ee joogay Baar-sanguuni lagu dilay dagaalkaasi.

Ciidamada Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo muhiim ah, waxaana qoriyaasha gacanta Mujaahidiinta soo galay kamid ah qori BKM ah.

Magaalada Jamaame ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaa lagu soo bandhigay maydadka saddexda askari ee ay mujaahidiintu ku dileen dagaalkan, waxaana usoo daawasho tagay boqollaal ruux oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad.

Marar badan waxaa ciidamada jooga Baar-sanguuni la kulmeen weeraro qorsheysan oo uga yimid dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana la xusuustaa weerar nafhurnimo oo lala eegtay markii ay ciidamadan soo gaareen deegaankan ay ku dhinteen kudhawaad 60 askari oo soomaali ah.

Weerar ka horeeyey oo duqeyn ahaana waxaa lagu dilay Askari Ameerikaan ah, halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana dhimashada askarigaas ka tacsiyeeyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Qarax Gaari Gaashaaman Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Duleedka Marka.
Next: Qarax Gaari Looga Gubay Dowlada Kenya Oo Mandheera Ka Dhacay.

Related Stories

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 27-07-1447H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 27-07-1447H.

January 16, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-07-1447 Hijri.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada