Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Qarax Lagu Laayay Askar Kenyaati Ah Oo Ka Dhacay Jaziirada Lamu.
  • Allposts
  • Warar

Qarax Lagu Laayay Askar Kenyaati Ah Oo Ka Dhacay Jaziirada Lamu.

August 8, 2018

Waraka ka imaanaya wadanka Kenya, gaar ahaan gobolka xeebta ku yaalla ee Lamu ayaa sheegaya in askar fara badan oo Kenyaati ah lagu dilay qarax culus oo lagu beegsaday gaari ciidan.

Qaraxa ayaa gabi ahaanba burburiyay gaari ciidan oo ay lahaayeen milatariga wadanka Kenya ee loo yaqaano KDF, waxaana gabi ahaanba dhimasho iyo dhaawac noqday askartii gaariga saarnayd.

Ugu yaraan sagaal Sagaal askari oo ka tirsan milatariga Kenya ayaa ku dhimatay qaraxan culus oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Boodhaay ee gobolka Laamu.

Gaariga oo ahaa nooca loo yaqaano Kooyalka ayaa gabi ahaan badbeelay, waxaana la sheegay in ay saarnaayeen 11 askari oo milatariga Kenya ah, kuwaas oo dhamaantood noqday wax dhintay iyo wax dhawacmay.

Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa lagu laayay ciidamada Kenya.

Afhayeenka dhanka ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abu Muscab oo la hadlay Idaacada Andalus ayaa sheegay in sagaal ka tirsan ciidamada Kenya ay goobta ku dhinteen, halka saddex kale ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Ciidamadan qaraxa lala beegsaday ayaa ku socdaalayay nawaaxiga deegaanka Boodhaay oo u dhowr kaymaha Booni ee gobolka xeebta Kenya ku yaalla ee Laamu.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee saldhigyada ku leh gudaha wadanka Kenya ayaa dhowr jeer sidaan oo kale weeraro lagu dilay askar badan oo Kenyaati ah ka fuliyay gobollada NFD iyo Lamu oo ah laba gobol oo ay Muslimiintu leeyihiin balse ay Kenya xoog ku haysato.

Maalin kahor ayay ahayd markii booliska wadanka Kenya ay shaaca ka qaadeen in ay Geela gaadiid ahaan u adeegsan doonaan kadib markii gaadiidkii kale ee ay isticmaali jireen ay Mujaahidiintu miinooyin ku burburiyeen.

Ciidamada Kenyaatiga ayaa tan iyo markii ay duullaanka gumaysi doonka kusoo qaadeen dalka Soomaaliya sanadkii 2011 ayaa waxaa iyaguna gudaha Kenya u gudbay ciidama ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo halkaas saldhigyo ciidan ka samaystay, fuliyayna weeraro waaweyn oo lagu xasuuqay ciidamada Kenya.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Police-ka Kenya Oo Bilaabay Isticmaalka Geella Si Looga Gaashaanto Qaraxyada Al-Shabaab.
Next: Taliye Katirsan Ciidamada AMISOM “Soomaaliya Wa Sida Doofaar Marka la nadiifiyo is wasakheynaysa”.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri

June 17, 2026
Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.
  • Allposts
  • Warar

Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.

June 17, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.

June 17, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada