Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Kenya: Qaraxyada Al-Shabaab Ayaa Burburiyey Dhamaan Gaadiidkii Aan Ka Soo Iibsanay Shiinaha 2016-kii.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Kenya: Qaraxyada Al-Shabaab Ayaa Burburiyey Dhamaan Gaadiidkii Aan Ka Soo Iibsanay Shiinaha 2016-kii.

September 3, 2018

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in qaraxyada miinooyinka ee Mujaahidiinta lagu burburiyey dhamaan gaadiidkii gaashaanaa ee 2016-kii loo soo iibiyey ciidamada Police-ka ee dalkaasi. FF:

Sarkaal ka tirsan guutada loo yaqaano GSU ee taabacsan ciidamada Police-ka ee dowlada Kenya ayaa sheegay inaanu hal gaari ka harin gaadiidkii gaashamaanaa ee uu soo iibiyey madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta sanadkii 2016-kii.

Gaadiidkan oo gaarayey ilaa 30 gaari ayaa dhamaantood lagu burburiyey qaraxyada miinooyinka ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliso gobolada Lamu iyo N.F.D sida uu tibaaxayo sarkaalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in gaadiidka uu isugu jiro kuwa lagu burburiyey qaraxyada, iyo kuwa ay waxyeelo soo gaartay balse wuxuu sheegay in kuwa waxyeeloobay qudhoodu ay noqdeen gaadiid howlgab ah maadama isbeer baartiskooda uusan yaalin wadanka.

Arintan oo in muddo ah ay qarinayeen saraakiisha sar-sare ee ciidanka ayaa banaanka timid markii todobaadkii la soo dhaafay ugu yaraan 20 askari oo ka tirsan ciidamada Kuffaarta Kenya lagu dilay weerar dhabagal ah oo ay Mujaahidiintu ka fuliyeen gobolka Lamu.

Warbaahinta dalka Kenya waxay sheegeysaa in ugu yaraan 32 askari oo isugu jira Police iyo military lagu dilay wadada isku xirta Laamu iyo Libooya sanadkan oo kaliya, taas oo ah inta ay xukuumadu qiratay.

waxay saraakiishu sheegayaan in dhamaan weeraradaas loo adeegsaday qaraxyada miinooyinka kuwaas oo halis geliyey nolosha ciidamada ka howlgala deegaanadaasi.

Ciidamada ka howlgala xuduudaha waxay sheegayaan in lagu qasbay in ay ku roondeeyaan gaadiidka Toyota Land Cruisers iyo kuwa loo yaqaano Isuzu FTS kuwaas oo ah gaadiid u nugul qaraxyada miinooyinka.

Gaadiidkii koobnaa ee laga soo iibiyey shiinaha ayaa noqday kuwa bug ah oo aanan lahayn tayadii lagu sheegayey sida ay ilo wareedyo u sheegeen shabakada qortay warbixintan, waxayna sheegayaan in mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee NV4 ee uu shiinuhu sameeyo uu bool bool u kala faniinay markii qarax xoogan lagula eegtay gobolka Mandheera.

Ilo wareedyo gudaha ah oo ay soo xiganeyso shabakadan ayaa sheegay in dowladda Kenya ay heshiis la gashay shiinaha si loogu sameeyo gaadiid gaashaaman oo tayo leh balse ay markii dambe dowladu bixin weysay qarashkii ku bixi lahaa gaadiidkaas taas oo keentay in shiinuhu uu ka soo iibiyo gaadiid badiil ah oo u dhigma lacagta ay bixiyeen.

“Lacagta aan dhiibnay ayaan ku filnaan weysay gaadiidka orginalka ah ee aan rabnay” ayuu yiri sarkaal la hadlay wargeyska la yiraahdo ‘Nairobian’ ee ka soo baxa caasimada dalka Kenya.

Shabakadu waxay leedahay madaxda sarsare ee ciidanka GSU ee ku raaxeysanaya xafiisyadooda xilli ay askartoodu ku roondeynaya howdka, waxay xitaa qariyaan gaadiidka ciidanka ee lala eegto qaraxyada, mana ogola xitaa in sawiradooda la arko, waana taas sababta maanta aysan warbaahinta Kenya u heynin hal sawir oo ka mid ah gaadiidkaasi.

“Gaadiidkii gaashaannaa ee ay soo iibiyeen bilowgii dagaalka aan la galnay Soomaalida waxay noqdeen kuwa burburay, iyo kuwo waxyeelo soo gaartay oo howlgab ah sabab ku aadan dayactir la’aan iyo inaanan loo heynin wax spare ah, sidaas darteed waxaan hadda u noqonay Land Cruisers-kii iyo BG-yadii. Ciidamadii lala eegtay qaraxii Libooya ee dhacay bishii May waxaa lala eegtay ciidamo la socday gaari Land Kuruusar ah, waxaana lagu dilay sideed askari, midkii ugu dambeeyeyna waxaa lala eegtay ciidamo la socday gaari Isuzu ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada GSU oo ka hadlayey qarowga ku heysta deegaanada xaduud beenaadka.

Ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala gobolada la heysto ee Lamu iyo N.F.D ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey kala gaabiyey isu socodka iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada Kuffaarta Kenya ee ka howlgala xad-beenaadka, ka dib markii ay cadowga ku beegsadeen goob waliba oo ay ku arkaan iyo wadda waliba oo uu ku safrayo, wuxuuna Allaah gacmahooda barakeysan ku cadaabay boqolaal ka mid ah saliibiyiinta qabsatay dhulalka Muslimiinta.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Akhriso Xog Dheeraad Ah Oo Laga Helay Weerarka Xarunta Howlwadaag.
Next: Isbitaal dadka Lacag La’aan Ku Daaweynaya Oo Laga Hirgaliyay Magaalada Ceelbuur

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri

June 17, 2026
Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.
  • Allposts
  • Warar

Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.

June 17, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.

June 17, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada