Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Dalka Tuunis.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Dalka Tuunis.

October 6, 2018

Wararka ka imaanayo wadanka Tuunis ayaa sheegaya in askar katirsan ciidanka militaryga xukuumada lagu dilay galbeedka wadanka tuunis, kadib markii silsilado qaraxyo ah lala beegsaday gaadiid ay ku socdaalayeen.

War qoraal ah oo kasoo baxay Katiibada Cuqbah bin Nafec ee hoos taga Mujaahdinta Alqaacida ee Magribul islaam ayaa lagu sheegay in tiro Askar ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyada oo ka dhacay Mabdiqada Jabalu Shacaanibi  oo dhacda galbeedka wadanka Tuunis.

Qaraxyadu waxa ay ahaayeen ilaa labo, kuwaas oo lala kala beegsaday gaari kuwa aysan xabadu Karin ah oo ciidanka Tuunis ay la socdeen kaas oo nooceesa lagu sheegay KIRPI iyo Askar gurmad usoo sameysay saaxibadooda qaraxa lala beegsaday.

Weerarka 1aad ayaa si toos ah u haleelay gaariga xabadu aysan Karin ee askarta tuunisiyaanka ay kujireen, ciidankii saarnaana waxa ay ku noqdeen dhimasho iyo dhaawac, intaas kadibna waxaa goobta soo gaaray askar kale oo gurmad ahaa, kuwaas oo iyana isla goobta kula kulmay qarax 2aad.

Xukuumada Tuunis ee uu hogaamiyo Baji Qayid Assibsi ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisay weerarkan, waxa ayna tilmaantay in ilaa laba askari looga dilay, tiro kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Waziirka difaaca xukuumada Tuunis ninka lagu magacaabo Cabdul Karim Zubeydi oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyey in weerarka lala beegsaday askarta dowlada ay ka danbeeyaan dad uu ku sheegay inay kasoo horjeedaa xasiloonida dalka, taas oo ah mirahii ka dhashay Thowraadki Guga carabta ee kasoo bilowday wadanka Tuunis sanadkii 2011ka, isagoona xaqiijiyey in weerarkan ay ku waayeen Askar iyo Gaari dagaal oo qarash fara badan ugu fadhiya.

Mandiqada uu weerarku ka dhacay ee Jabalu Shacaanib ayaa ku taala xuduuda galbed ee wadanka Tuunis, waana mandiqad buuraley ah oo ay si aad ah uga baxaan dhirta loo yaqaano Sanowbar Ama Showri, taas oo mujaahidinta u fududeysay inay goobta uu weerarku ka dhacay si dhib yar uga baxsadaan iyagoo badqaba.

Mujaahidiinta cuqban bin naafic ee ka dagaalama wadana Tuunis ayaa shaaciyey in howl galkan uu daba socday Gazwadi loogu magac daray Nusratu Sharecah ee kadhacday Mandiqada Ceynu Suldaan oo katirsan gobolka Janduubah, taas oo askar fara badan looga dilay xukuumada Tuunis.

Waxa ay tilmaameen in howl galkan uu kusoo aadayo xilli xukuumada Faashilka ah ee kajirto wadanka ay baadi goob ugu jirtay, Guul iclaami ah, si ay macnawiyaadka Askarteeda kor ugu qaado wixii ka danbeeyey weerarkii Ceynu Suldaan, sidoo kalena hogaanka wadankaas ay hareeyeen isqabqabsi daakhili ah oo amniga ku aadan iyo Darabaadka mujahidinta ee aan kala joogsiga laheyn.

Mujahidinta ayaa ka dhawaajiyey in xukuumada Tuunis ay banaanka soo dhigtay Galnimada cad ee ay dooneyso inay musliminta reer tuunis ku dhaqdo, arinkaasna uusan ahayn wax la aqbali karo, waxa ay tilmaameen in xukuumada uu hogaayo Assibsi ay meel marisay in raga iyo dumarka dhaxalkooda la simo iyo in gabdhaha muslimaadka ah ay guursan karaan rag aan diinta islaamka heysan, taas oo shareecadeena raxmaanka ay mamnuucday.

Ugu danbeyn mujaahidinta ayaa sidoo kale shaaciyey in howl galkan uu aargud u ahaa dhiiga shuhada muhaajiriin iyo ansaarba iskugu jira ee kudaatay gudaha dhulka qeyrawaan, waxa ayna adkeeyeen inay is hortaag ku sameyn doonaan qorshayaasha xukuumada Assibsi, aysana naf iyo maalba u reeban doonin inay ku bixiyaan sidii kalimada Allah ay kor u noqon laheyd, shareecada islaamkana loogu maamuli lahaa dhulka Tuunis.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Faahfaahin Laga Helayo Qarax Sarkaal Sare Lagu Dilay.
Next: Sirdoonka Sacuudiga Oo Saxafi Caan ah Ku Dhaxdilay Magaalada Istanbuul.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 03-01-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 03-01-1448-Hijri.

June 18, 2026
Trump Oo Itoobiya Ku Eedeeyay Inay Halis Weyn Ku Hayso Shacabka Masar.
  • Allposts
  • Warar

Trump Oo Itoobiya Ku Eedeeyay Inay Halis Weyn Ku Hayso Shacabka Masar.

June 18, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri

June 17, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada