Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dibad Baxyo Rabshada Wata Oo Gilgilay Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka Faransiiska.
  • Allposts
  • Warar

Dibad Baxyo Rabshada Wata Oo Gilgilay Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka Faransiiska.

November 25, 2018

dibad baxyo xoogan ayaa lagasoo sheegayaa magaalooyinka waaweyn ee wadanka Faransiiska, kuwaas oo looga soo horjeedo canshuuro lagu soo rogay gaadiidka dadweynaha iyo sare u kac ku yimid qiimaha lagu iibiyo shidaalka, dibad baxyadaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tiro dad ah.

Dibad baxyada waxaa dhigaya isbaheysiga loo yaqaana Jaakada casta ee ay ku mideysan yihiin gaadiidleyda wadanka Faransiiska, waxaana kala qeyb qaadana Boqolaal kun oo kamid ah dadka wadankaas, iyagoo dalbanayaan inuu Is casilo madaxweynaha faransiisa Emanuel Macron, oo ay ku eedeeyeen wax qabad la,aan.

Saraakiil katirsan Police-ka ayaa sheegay in ilaa hada laba qof oo kaliya ay geeriyoodeen, in kabadan 50 kalena la dhigay isbitaalada caafimaadka, dadkaas oo intooda badan gaadiid la jiirsiiyey, sababo ku aadan dibad baxayaasha oo soo buux dhaafiyey dariiqyada waaweyn ee magaalooyinka dalka faransiiska.

24 qof ayay saraakiisha Police-ku sheegeen in gacanta lagusoo dhigay, kuwaas oo loo badinayo inay hurinayeen dibad baxyada, sidoo kalena ciidanka ka hortaga rabshadaha ayaa looga yeeray qeybo kamid ah magaalada Paris, si ay dibad baxayaasha ukala irdheeyaan, ciidankaas ayayna warbaahintu sheegayaan inay isticmaaleen gaazka dadka ka ilimeysiya si ay u furan mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Paris oo mudaharadayaasha ay xireen.

Wazaarada arimaha gudaha wadanka Faransiiska ayaa ka dhawaajisay in ilaa hada ay ka war hayaan in kabadan 2Kun oo isku Imaatin oo dibad baxyadu ay ka soconayaan, goobahaas oo ay isugu yimaadeen dad ay tiradooda kor u dhaafeyso 124 Kun oo qof, mana jirto cid la ogyahay oo dibad baxyadan gidaal ka taagan sida lagu shegay warka kazoo baxay wasaarada.

Wiil lagu magacaabo Evellin Raaliyeer oo kamid ah dadka dibad baxyada dhigayey ayaa boor weyn kusoo qortay, U gargaara Umadan Halista ku jirta, oo uu ula jeedo dadka reer france, isagoo intaas sii raacisay anaga ayaa ah kuwa shaqeeya 24ka saac mana awoodno inan noloshan kusii jirno, waana in wax laga qabta sare u kaca ku yimid shidaalka, waliba si degdeg ah.

Magaalada Paris ayaa lagusoo waramayaa in illaa 50 goob oo kala duwan ay dibad baxyadu ka soconayaan, dadkuna ay ku dhawaaqay, Macron wuu Fashilmay, Macron Ha Is Casilo.

Nin lagu magacaabo Kevin Do jar oo 27 sano jir ah, xubina ka ah gudiga gaadiidleyda ee soo abaabulay dibad baxyadan ayaa sheegay in dhaqaaqooda uusan aheyn mid siyaasadeen ama ay jago ku doonayaan, kaliyana waxa isku keenay ay tahay cabashada ay qaba dadka shacabka ah ee waayay awoodii ay ku dul qaadan lahaayeen, kadib canshuuraha aan xalaasha aheyn ee lagusoo rogay iyo sare ukaca ku yimid qiimaha lagu iibiyo shidaalka.

Madaxda dalka faransiiska ayaa dibad baxayaasha u diray Handadad ay daba socotay Sasabasho, waziirka arimaha gudaha Edward Philip ayaana yiri, shacabko xaq ayay u leeyihin inay dibad bax dhigaan, balse xukuumadu ma aqbali doonto in wadooyinka la xiro, isku socodki dad weynahana is hor tag lagu sameeyo, oo wadanka fowda loo horseedo.

Dibad baxyadan ayaa imaanaya kadib sanad adag oo madaxweynaha dalka faransiiska uu la kulmayey cadaadisyo xoogan oo ka dhan ah aragtidiisa ku aadan Isbadalka uu la doonayey faransiiska, hadana xog aruurin la sameeyey ayaa lagu ogaaday in taageeradii Madaxweyne Macron ay hoos u dhacday %30, wixii ka danbeeyey dooraashadii 2017ka.

Wargeys laga leeyahay dalka faransiiska oo lagu magacaabo Jerum ayaa ka dhawaajiyey in kacdoonkan uu yahay mid aad u halis badan oo noociisa oo kale uusan wadanka soo marin sanadadii lasoo dhaafay, hadana uu awood u leeyahay inuu ku dhex faafo %40 dadka faransiiska ah iyo qof kasta oo gaari heysto, kaas oo ay saameyn ku yeesheen waxa ay hada dadku ka dibad baxayaan.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa kasoo horjeestay qorshaha ay dowladdu sare ugu qaadday gaaska lashito iyo shidaalka caadiga ah, haweenayda hoggaamisay Xisbigta midigta Xagjirka ah ayay dowladda Faransiiska ku eedeysay in ay mas’uul ka tahay dibad baxyada rabshadaha wata ee wadanka ka socda

Dadka faransiiska ah ee dabaqada dhexe ayaa si aad ah ugasoo horjeedo siyaasadaha madaxweyne Macron oo kazoo jeeda qoys hantiile ah, dhaqankiisana uu ka gadmi la’yahay dadkakaas iyaga ah, inkastoo madaxweynaha uu sameeyey isku dayo dhowr ah oo aragtidaas uu meesha kaga saarayo balse uu uu ku guuleysan la’yahay ilaa waqtigan la joogo.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dilal Iyo Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
Next: Faahfaahin Laga Helayo Qarax Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -03-Muxarram-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -03-Muxarram-1447-Hijri

June 18, 2026
Cirro Oo Ka Hadlay Saldhigga Yahuudda Ee Somaliland Iyo Duulimaadyo Isku Xiraya Hargeysa & Talaabiib.
  • Allposts
  • Warar

Cirro Oo Ka Hadlay Saldhigga Yahuudda Ee Somaliland Iyo Duulimaadyo Isku Xiraya Hargeysa & Talaabiib.

June 18, 2026
Dhagayso Andalus Podcast: Raadadka Mugdiga Ah Iyo Sooyaalka Madow Ee Jaasuusnimada.
  • Allposts
  • PODCASTS

Dhagayso Andalus Podcast: Raadadka Mugdiga Ah Iyo Sooyaalka Madow Ee Jaasuusnimada.

June 18, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada