Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Macallimiinta Kenya Oo Ka Cabanaya Shaqo La’aan Baahsan.(Warbixin)
  • Allposts
  • Warar

Macallimiinta Kenya Oo Ka Cabanaya Shaqo La’aan Baahsan.(Warbixin)

July 4, 2019

Baaritaan cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in boqollaal kun oo katirsan macallimiinta wadanka Kenya ay heysato shaqo la’aan baahsan, iyadoona ay sii kordheyso xaaladda adag ee ay ku noolyihiin Macallimiintaas.

Sida ay sheegeyso diraasadan oo uu soo saaray urur ay ku mideysanyihiin macallimiinta Kenya, tirada guud ee macallimiinta shaqo la’aanta ah waxay gaarayaan 328, 324 macallin, kuwaas oo isuga jira rag iyo dumar.

Macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada hoose iyo dhexe oo ay wax ka bartaan ardey lagu qiyaasay dhowr milyan oo ruux, ayaa tiradooda laga dhigay 38 kun oo macallin, dugsiyada sarena waxaa bariyaal ka ah qiyaastii 58 kun oo macallin, waana tiro aad u yar marka loo eego sidii hore.

Waxaa sidoo kale macallimiintu sheegayaan in wasaaradda Waxbarashada aaney kasoo jawaabin codsiyo ay u geystaan macallimiin doonaya in shaqo laga siiyo iskuullada dalka, taasina waxay ciriiri gelisay nolosha macallimiin doonayay iney noloshooda ku maareeyaan dhaqaalaha ay ka helaan iskuullada.

Afartii bilood ee lasoo dhaafay macallimiin tiradooda lagu qiyaasay kudhawaad 20 kun oo ruux ayaa wasaaradda Waxbarashada u gudbiyay rabitaankooda la xiriira iney macallimiin noqdaan, welina ma helin wax jawaab ah.

Arinta ugu weyn ee loo sababeynayo shaqo la’aanta macallimiinta ayaa ah musuq maasuqa ragaadiyay hay’ad weliba oo kamid ah dowladda Kenya, waxaana musuqa ka jiraa halka ugu sarreysa dowladda ee Uhuru Kenyatta illaa askariga ugu hooseeya.

Siyaasiyiinta Kenyaatiga ayaa dowladooda ku eedeynaya iney ka gaabisay adeegyada muhiimka u ah ee bulshada, sida waxbarashada iyo caafimaadka, taas bedelkeedana ay dhaqaale adag ku bixiso arimaha milliteriga.

Kenya, waxaa kumanaan askari ka jooga koonfurta Soomaaliya, halkaas oo sanadkii 2011-dii ay kusoo duushey, iyadoo ku andacooneysa iney ilaalineyso amniga wadankeeda, balse sida ay ku waramayaan Aqoonyahannada, Kenya kama dhaafin dagaalka Soomaaliya waxaan ka ahayn burbur iyo amni xumo ballaaran.

Inkastoo dagaalku u muuqanayo mid sii dheeraanaya, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna ay ku hanjabtay iney sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Kenya iyo dadkeeda, hadana maamulka Uhuru Kenyata ma hayo siyaasad uu ku maareeyo waxyaabaha ka dhashey dagaalka, taas oo sii kordhin karta culeeska dhaqaale iyo midka amni ee ay dareemayaan shacabka Kenya.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Imaarada Islaamiga Afghanistan Oo La Wareegtay Magaalo Muhiim Ah.
Next: Akhriso Magacyada Jawaasiis Lagu Dilay Fagaara Ku Yaala Jubbooyinka.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -30-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -30-07-1447 Hijri.

January 19, 2026
Xabaal-wadareedyo Lagu Duugay Tahriibeyaal Afrikaan Ah Oo Laga Helay Liibiya.
  • Allposts
  • Warar

Xabaal-wadareedyo Lagu Duugay Tahriibeyaal Afrikaan Ah Oo Laga Helay Liibiya.

January 19, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.

January 19, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada