Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xog Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Weerarkii Kismaayo.
  • Allposts
  • Warar

Xog Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Weerarkii Kismaayo.

July 13, 2019

Waxaa barqanimadii maanta soo gabagaboobay weerarkii ballaarnaa ee dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo kaas oo hooy u ahaa siyaasiyiin, saraakiil iyo Musharaxii badan oo u tartamayey xilka madaxtinimo ee maamulka Jubbaland.

Weerarkan oo biloowday gelinkii dambe ee maalintii shalay ayaa soo gabagaboobay kadib dagaal qaraar oo halkaas ku dhexmaray dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Jubbaland oo taageero ka helayey ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka ee dagan magaaladaasi.

Xarakada Al-Shabaab oo horay u sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa shaacisay inay weerarkaas ku dishay ku dhawaad 40 ruux oo ay ku jiraan siyaasiyiin, mas’uuliyiin iyo Ajaanib kasoo jeeda wadamada Mareykanka, Africa iyo Asia.

“Allaah fadligii wuxuu howlgalku ku soo dhamaaday guul, waxaana ku dilnay ku dhawaad 40 cadow ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacnay 60 kale oo cadowga ka mid ah. dadka aan dilnay waxaa u badnaa siyaasiyiinta iyo saraakiisha maamulka iyo tiro ajaanib ah oo kasoo jeeda wadamo kala duwan” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa baahisay magacyada qaar ka mid ah xubnaha lagu dilay weerarkaas iyadoona shaacisay in ay soo gudbin doonto dhammaan magacyada saraakiisha iyo mas’uuliyiinta lagu dilay weerarkaasi.

Madax iyo Siyaasiyiin

Dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday Hotelka Cas-Caseey waxaa ka mid ahaa Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo waziir kasoo noqday xukuumaddii Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii sagaalaad.

Shuuriye ayaa hadda ahaa Musharax madaxweyne oo u tartamayey xilka madaxtinimo ee maamulka isku magacaabay Jubbaland waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa siyaasiyiinta daganaa Hotelka la weeraray.

Xubnaha weerarkaas ku dhintay waxaa sidoo kale ka mid ahaa nin lagu magacaabo Fariid Jaamac Saleebaan oo ahaa waziirkii hore ee ganacsiga ee maamulka Jubbland, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan maamulkaas.

Dadka magacyadooda la helay waxaa sidoo kale ka mid ahaa Shiine Xasan Xanafi oo ahaa taliyaha tabarka Academy-yada  booliska Jubland,  Nuur Deeq oo ahaa Sarkaal u shaqeynayey hay’adda UN-ka, iyo nin magaciisa lagu soo koobay Shire oo ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Bangaraafta qeybta Jubbland.

Ergada Doorashada

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dadka ugu badan ee ku dhintay weerarka inay ahaayeen odayaasha ergooyinka ah ee soo xulay xildhibaanada kuwaas oo la sheegay in badankood ay joogeen Hotelka xilligii weerarka.

Sidoo kale waxaa khasaare xoogan uu soo gaaray ciidamada Ammaanka ee Jubbaland kuwaas oo xalay ilaa saakey barqadii la tacaalayey inay soo afjaraan weerarka, tobanaan ka mid ah ciidamada Ammaanka ee Jubbaland ayaa la sheegay in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka, halka sidoo kalena uu khasaare kala duwan soo gaaray ciidamada Kenya kuwaas oo goor dambe ku soo biiray dagaalka si ay u soo afjaraan weerarka.

Weerarkii Xooganaa ee Al-Shabaab ay ku qaaday Hotelka Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo ayaa qaatay muddo 16 saacadood oo xiriir ah, wuxuuna banaanka soo dhigay khibrad xumada maamulkaas ee ku aaddan sida loola mucaamilo weeraradan oo kale  iyo in aysan maleeshiyaatka maamulkaas u diyaarsaneyn ka hortaga weerarada xoog ku galka ah ee Jihaadiyiinta.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Weerarka Ka Socda Kismaayo Oo Sii Xoogeystay Iyo American Kusoo Biiray.
Next: Qarax Lagu Dilay Askar Ka Tirsan Puntland.

Related Stories

Weeraro Khasaare Lagu Gaarsiiyay Maleeshiyada Gurguurte Oo Ka Dhacay Baay Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Warar

Weeraro Khasaare Lagu Gaarsiiyay Maleeshiyada Gurguurte Oo Ka Dhacay Baay Iyo Sh/hoose.

October 4, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 12-04-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 12-04-1447-Hijri.

October 4, 2025
Inka Badan 30 Itoobiyaan Ah Oo Ku Dhintay Dhisme Kaniisad Oo Kusoo Dumay.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 30 Itoobiyaan Ah Oo Ku Dhintay Dhisme Kaniisad Oo Kusoo Dumay.

October 4, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)

September 22, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)

September 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)

September 6, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)

August 31, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada