Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xog Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Weerarkii Kismaayo.
  • Allposts
  • Warar

Xog Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Weerarkii Kismaayo.

July 13, 2019

Waxaa barqanimadii maanta soo gabagaboobay weerarkii ballaarnaa ee dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo kaas oo hooy u ahaa siyaasiyiin, saraakiil iyo Musharaxii badan oo u tartamayey xilka madaxtinimo ee maamulka Jubbaland.

Weerarkan oo biloowday gelinkii dambe ee maalintii shalay ayaa soo gabagaboobay kadib dagaal qaraar oo halkaas ku dhexmaray dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Jubbaland oo taageero ka helayey ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka ee dagan magaaladaasi.

Xarakada Al-Shabaab oo horay u sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa shaacisay inay weerarkaas ku dishay ku dhawaad 40 ruux oo ay ku jiraan siyaasiyiin, mas’uuliyiin iyo Ajaanib kasoo jeeda wadamada Mareykanka, Africa iyo Asia.

“Allaah fadligii wuxuu howlgalku ku soo dhamaaday guul, waxaana ku dilnay ku dhawaad 40 cadow ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacnay 60 kale oo cadowga ka mid ah. dadka aan dilnay waxaa u badnaa siyaasiyiinta iyo saraakiisha maamulka iyo tiro ajaanib ah oo kasoo jeeda wadamo kala duwan” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa baahisay magacyada qaar ka mid ah xubnaha lagu dilay weerarkaas iyadoona shaacisay in ay soo gudbin doonto dhammaan magacyada saraakiisha iyo mas’uuliyiinta lagu dilay weerarkaasi.

Madax iyo Siyaasiyiin

Dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday Hotelka Cas-Caseey waxaa ka mid ahaa Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo waziir kasoo noqday xukuumaddii Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii sagaalaad.

Shuuriye ayaa hadda ahaa Musharax madaxweyne oo u tartamayey xilka madaxtinimo ee maamulka isku magacaabay Jubbaland waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa siyaasiyiinta daganaa Hotelka la weeraray.

Xubnaha weerarkaas ku dhintay waxaa sidoo kale ka mid ahaa nin lagu magacaabo Fariid Jaamac Saleebaan oo ahaa waziirkii hore ee ganacsiga ee maamulka Jubbland, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan maamulkaas.

Dadka magacyadooda la helay waxaa sidoo kale ka mid ahaa Shiine Xasan Xanafi oo ahaa taliyaha tabarka Academy-yada  booliska Jubland,  Nuur Deeq oo ahaa Sarkaal u shaqeynayey hay’adda UN-ka, iyo nin magaciisa lagu soo koobay Shire oo ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Bangaraafta qeybta Jubbland.

Ergada Doorashada

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dadka ugu badan ee ku dhintay weerarka inay ahaayeen odayaasha ergooyinka ah ee soo xulay xildhibaanada kuwaas oo la sheegay in badankood ay joogeen Hotelka xilligii weerarka.

Sidoo kale waxaa khasaare xoogan uu soo gaaray ciidamada Ammaanka ee Jubbaland kuwaas oo xalay ilaa saakey barqadii la tacaalayey inay soo afjaraan weerarka, tobanaan ka mid ah ciidamada Ammaanka ee Jubbaland ayaa la sheegay in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka, halka sidoo kalena uu khasaare kala duwan soo gaaray ciidamada Kenya kuwaas oo goor dambe ku soo biiray dagaalka si ay u soo afjaraan weerarka.

Weerarkii Xooganaa ee Al-Shabaab ay ku qaaday Hotelka Cas-Caseey ee magaalada Kismaayo ayaa qaatay muddo 16 saacadood oo xiriir ah, wuxuuna banaanka soo dhigay khibrad xumada maamulkaas ee ku aaddan sida loola mucaamilo weeraradan oo kale  iyo in aysan maleeshiyaatka maamulkaas u diyaarsaneyn ka hortaga weerarada xoog ku galka ah ee Jihaadiyiinta.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Weerarka Ka Socda Kismaayo Oo Sii Xoogeystay Iyo American Kusoo Biiray.
Next: Qarax Lagu Dilay Askar Ka Tirsan Puntland.

Related Stories

Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.

April 23, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.

April 23, 2026
Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
  • Allposts
  • Warar

Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada