Bayaan kasoo baxay hoggaanka sare ee Xarkada Al-Shabaab ayaa baaq loogu diray Odayaashii ergada ahaa ee soo xulay baarlamaanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Waxaa loo qabtay muddo 45 maalmood oo ka bilaabaneysa 15-07-2019 kuna eg 01-09-2019-ka, iyagoona lagula taliyay in ay iska diiwaan geliyaan maamullada Wilaayaadka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
.
Al-Shabaab waxay ku hanjabtay in Odeygii ka faa’ideysan waaya baaqa ay marin doonaan shareecada islaamka
Hoos ka akhriso Bayaanka oo Afsoomaali ku qoran ama Halkan Guji PDF
‘Baaq Towbad-keen ah oo ku Socda Odayaal Dhaqameed-ku-sheegga Riddoobayee Soomaaliyeed’
12 Dulqicdah 1440 H (15/07/2019)
Allaah, subxaanahu watacaalaa, wuxuu Kitaabkiisa Caziizka ah ku yiri:
}أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ يَزْعُمُونَ أَنَّهُمْ آمَنُوا بِمَا أُنْزِلَ إِلَيْكَ وَمَا أُنْزِلَ مِنْ قَبْلِكَ يُرِيدُونَ أَنْ يَتَحَاكَمُوا إِلَى الطَّاغُوتِ وَقَدْ أُمِرُوا أَنْ يَكْفُرُوا بِهِ وَيُرِيدُ الشَّيْطَانُ أَنْ يُضِلَّهُمْ ضَلَالًا بَعِيدًا (60) وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ تَعَالَوْا إِلَى مَا أَنْزَلَ اللَّهُ وَإِلَى الرَّسُولِ رَأَيْتَ الْمُنَافِقِينَ يَصُدُّونَ عَنْكَ صُدُودًا (61) فَكَيْفَ إِذَا أَصَابَتْهُمْ مُصِيبَةٌ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ ثُمَّ جَاءُوكَ يَحْلِفُونَ بِاللَّهِ إِنْ أَرَدْنَا إِلَّا إِحْسَانًا وَتَوْفِيقًا (62) أُولَئِكَ الَّذِينَ يَعْلَمُ اللَّهُ مَا فِي قُلُوبِهِمْ فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَعِظْهُمْ وَقُلْ لَهُمْ فِي أَنْفُسِهِمْ قَوْلًا بَلِيغًا (63) وَمَا أَرْسَلْنَا مِنْ رَسُولٍ إِلَّا لِيُطَاعَ بِإِذْنِ اللَّهِ وَلَوْ أَنَّهُمْ إِذْ ظَلَمُوا أَنْفُسَهُمْ جَاءُوكَ فَاسْتَغْفَرُوا اللَّهَ وَاسْتَغْفَرَ لَهُمُ الرَّسُولُ لَوَجَدُوا اللَّهَ تَوَّابًا رَحِيمًا (64) فَلَا وَرَبِّكَ لَا يُؤْمِنُونَ حَتَّى يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لَا يَجِدُوا فِي أَنْفُسِهِمْ حَرَجًا مِمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُوا تَسْلِيمًا (65) {
Allaah wuxuu aayadahan kor ku xusan si cad ugu qeexay in Mu’miniinta laga doonayo inay xukunka Allaah iyo rasuulkiisa ((صلى الله عليه وسلمsi dhab ah ugu hoggaansamaan, ayna ku kufriyaan sharci kasta oo khilaafsan kan Allaah.
Sharciga Ummadan mideyn kara ee uu Allaah raali ka yahay waa Sharciga Islaamka keliya. Sharci kasta oo kasoo horjeeda ama baal marsan Sharciga Islaamka ee uu Allaah Ummada u dejiyayna, waa baadil mudan in la tirtiro.
{أَفَحُكْمَ الْجَاهِلِيَّةِ يَبْغُونَ وَمَنْ أَحْسَنُ مِنَ اللَّهِ حُكْمًا لِقَوْمٍ يُوقِنُونَ}
{مَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِهِ إِلاَّ أَسْمَاء سَمَّيْتُمُوهَا أَنتُمْ وَآبَآؤُكُم مَّا أَنزَلَ اللّهُ بِهَا مِن سُلْطَانٍ إِنِ الْحُكْمُ إِلاَّ لِلّهِ أَمَرَ أَلاَّ تَعْبُدُوا إِلاَّ إِيَّاهُ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لاَ يَعْلَمُونَ}
Awoodda sharci dejintana waxaa iska leh Allaah keliya. Hadaba iyadoo taas laga ambaqaadayo ayuu hoggaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Muslimiinta u caddaynayaa in dhammaan odayaal dhaqameed-ku-sheegga Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay ol’olihii lagusoo xulay xildhibaanada baarlamaanka Riddada, ay ku dhaceen gaalnimo cad, taasoo tirtaytawxiidkooda, burisey iimaankooda, shirki iyo baadi cadna u horseedday.
Odayaal dhaqameed-ku-sheegga riddoobay ee Soomaaliyeed ayaa soo xulay xildhibaanno murtadiin ah kuwaasoo Allaah xukunka iyo sharci dejinta kula loollamaya, sheegtana iney sharci dejiyayaal u yihiin dalka iyo dadka.
Waxayna odayaashani asaas iyo gundhig u noqdeen:
·In xukun aan xukunka Allaah ahayn dalka laga hirgeliyo
·In Arbaab iyo ilaahyo la adeeco Allaah ka sokow la yeesho
·In Ummada Muslimka ah dastuur gaaleed lagu dhaqo, Kitaabka Allaahna la diido
·In qorshaha gumeysi ee saliibiyiinta ummada lagu fuliyo
·In dalku gumeysi galo, hantidiisana ay beylah u noqoto Itoobiya, Kenya, iwm
·In gaalada garab iyo gaashaan loo noqdo
·In sharaa’icda Islaamka lagala dagaalamo geyiga Soomaaliyeed
·In anshax xumada, fisqiga iyo fasahaadku bulshada ku dhex baaho
Sidaa awgeed, wuxuu hoggaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab baaq towbad-keen ah u dirayaa dhammaan odyaaal dhaqameed-ku-sheegga ka qayb qaatay ol’olihii lagu soo xulay xildhibaanada Baarlamaannadariddada iney ka towbad keenan kufriga cad ee ay ku dhaceen, baraa’ana ka qaataan gaalada iyo Murtadiinta, una hoggaansamaan Sharciga Allaah. Wuxuuna hoggaanka Mujaahidiintu fursad u siinayaa odayaal dhaqameed-ku-sheeggaas muddo dhan 45 maalmood – laga bilaabo (15 /07 /2019 ilaa 01/ 09/2019) – inay Allaah u towbad keenaan, towbadoodana si cad u iclaamiyaan, wilaayaatkana iska diiwaan geliyaan, si ay u badbaadaan, loona hubsado inay towbad keeneen.
}إِلَّا الَّذِينَ تَابُوا مِنْ قَبْلِ أَنْ تَقْدِرُوا عَلَيْهِمْ فَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ{
Hadii ay Allaah u towbad keenaan, oo xaqqa usoo noqdaan, waxay odayaashu mudanyihiin maamuuskii, wanaaggii iyo walaaltinimadii Muslimiinta ka dhexeysey. Haddiise ay waantoobi waayaan, falalka gaalnimo ee ay ku dhaceenna muddada loo qabtay gudaheeda kaga towbad keenin, waxay Mujaahidiintu wacad ku marayaan inay axkaamta Allaah si buuxda ugu hirgelin doonaan insha-Allaah.
Odyaaal dhaqameed-ku-sheeggaas riddoobay ha ogaadaan in aysan Soomaaliya nabad ku joogeyn, xasilloonina ku naallooneyn, inta ay ku jiraan gaalnimada ay ku dhaceen. Hoy iyo gabbaad iyo meel ay uga gaashaantaan Mujaahidiintana ma helayaan, insha-Allaah.
Ugu dambayn, wuxuu hoggaanka Mujaahidiinta uga digayaa dhammaan odayaal dhaqameedka ku sugan Soomaaliya inay ka qayb qaataan dhisidda maamulada riddada ah ee dalka gaaladu ka hirgelineyso, ama inay ka qeyb qaattaan dullaanka ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta ee gaalada isbahaysatay iyo murtadiintu ka wadaan geyiga Soomaaliyeed.
Halkan ka akhriso Bayaanka oo ku qoran luqadda English-ka PDF